Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Kaaliyihii Madaxwayne Trump Oo Qadaan-qadis Looga Saaray Aqalka Cad Ee Maraykanka.



Wed 14 March 2018.

kaaliyihii ugu waqtiga dheeraa ee madaxweyne Donald Trump ayaa xoog looga saaray Aqalka Cad, isaga oo xitaa loo diiday in uu alaabihiisa ka qaato xaruntaasi.

John McEntee ayaa shaqada kaaliyenimada laga eryay sida ay qortay warbaahinta Maraykanka, waxaana jirtay in uu ku socday baaritaan ku saabsan arrimo wax is dabomarin ah oo lagu soo eedeeyay.

John ayaa horey u ahaa wariye ka tirsan taleefishinka Fox News ka hor inta uusan ku biirin ololaha Trump.

Balse sidaas oo ay tahay agaasimaha ololaha dib u doorashada Trump ee 2020-ka Brad Parscale ayaa sheegay in John uu markale qeyb ka noqon doono ololaha Trump.

Sikastaba ha ahaatee kaaliya ayaa waxa uu ka midyahay dad liiskooda aad usii kordhayo ee sida joogtada ah looga eryayo Aqalka Cad.



80 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines