Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Dawlada Britain Oo Dalkeeda ka Eriday Dublamaasiyiin Ruush ah.



Wed 14 March 2018.

Dowladda Britain ayaa dalkeeda ka saartay 23 dublamaasi oo Raash ah, kadib markii lagu eedeeyay inuu maaddo sun ah uu qaadsiiyay nin horey uga tirsanaan jirey basaas Ruushka  Sergei Skripal,kaasoo magangalyo ku joogay Dalka Uk.

Dowladda Ruushka ayaa diiday in ay sharaxaad ka bixiso sida ay ku dhacday in sunta neerfaha ee Ruushka lagu sameeyay loo adeegsado weerar lagu qaaday Skripal.

Ra'isulwasaaraha Britain Theresa May ayaa sheegtay in dublamaasiyiinta ay dalka kaga baxaan muddo toddobaad gudihiis ah.

Sidoo kale oo ay Britain la laabatay casuumaad horey loogu fidiyay wasiirka arrimaha dibedda Ruushka, iyada oo sidoo kale xubnaha qoyska boqortooyada Britain la sheegay in ay ka baaqsadeen ka qeybgalka ciyaataha adduunka ee sanadkan lagu qabanayo Ruushka.

Tallaabooyinka kale ee ay Britain qaadayso waxaa ka mid ah in si gaar ah loo baaro duulimaadyada gaarka ah ee Ruushka, alaabaha ruushka ka imanaya iyo kuwa loo dirayaba,iyadoo xanibaad ku soo rogtay hantida dowladda Ruushka u taala Britain haddii la arko wax caddeymo ah oo la xiriira in halis lagu galiyay nafta qof uun.

Safaaradda Ruushka ee London ayaa sheegtay in ceeyrinta dublamaasiyiinta ay tahay talaabo aanan la aqbali karin.

Wasiirka arrimaha dibedda Ruushka Sergei Lavrov ayaa sheegay in UK ay siyaasadaynayso arrinka, islamarkaasna ay hareer marayso heshiisyada caalamiga ah ee ku saabsan hubka kiimikada.

Wasiirka ayaa sidoo akle sheegay in haddii Moscow ay heli lahayd codsi iyada oo la tixraacayo heshiiska caalamiga ah ee hubka kiimikada ay kasoo jawaabi lahayd, wuxuuna sharcigaas dhigayaa in dalka loo dirayo uu heysto muddo 10 maalmood ah in uu kasoo jawaabo.



83 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines