Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Mooshinkii Jawaari Laga Gudbiyay Oo Jabay Kaddib Markii ay Xildhibaano Dhowr ah ka Noqdeen.



Wed 14 March 2018.

Mooshinkii laga keenay gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya ayaa la sheegay inuu guuldareystay, kadib markii ay Xildhibaano dhawr dib uga noqdeen mooshin kalsooni kala noqosho ahaa oo ay ugudbiyeen gudiga joogtada ah ee Golaha Shacabka.

Ilo xogogaal ah ayaa sheegaya inuu jabay mooshinka Jawaari, kaddib markii uu dhameystirmi waayay tiradii loogu tala galay in mooshin ka geyso Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ah 3/1 (seddex meel hal meelood).

Wararka ayaa sheegaya in Xildhibaano gaaraya 16 ay ka laabteen Mooshinka, isla markaana 91 Xildhibaan ay ku soo hadheen, sidaas darteedna loo baahnaa in ugu yaraan ay noqdan 92 Xildhibaan.

Inkastoo Guddiga Joogtada aanu wali soo saarin wax go’aan ah, hadana waxaa wali kulan uga socdaa xarunta Villa Hargeysa, waxaana la sheegayaa in goor dhow laga soo saari doono go’aan.

Xubnaha Guddiga Joogtada ayaa weydiistay Guddoomiye C/wali Ibraahim Muudey inuu soo bandhigo tirada rasmiga ah ee saxiixay mooshinka, si mooshinka u dhaqan galo, balse ma aanu soo bandhigin, isagoo ku adkeystay in tirada ay dhan tahay.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa u muuqda in qalalaase siyaasadeed uu dhexda ka galay, iyadoo maalin ka hor la furay Kalfadhigii 3aad ee Golaha shacabka, waxaana dad badan saadaalinayaan in qalalaasaha hada bilowday inuu saameyn ku yeelan karo hey’addaha dowladda, sida Xukuumadda



91 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines