Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Oday-dhaqmeed ka Hadlay Xal Laga Gaadhay Muran Dhul-beereed Oo ka Taagnaa Gobolka Awdal.



Wed 14 March 2018.

Boorama,March- Xubin ka tirsan hogaamiyedhaqameedyada G/awdal ayaa ka hadlay xal laga gaadhay muran ka taagnaa dhulbeereed una dhexeeyey beelaha Gobolada Awdal iyo Selel kaasoo toddobaadkii u dambeeyeyba looga shakisanaa xasiloonidarro ka timaadda,isagoo dhinaca kalena odaydhaqameedkani taageero u muujiyey heshiiska dekedda Berbera ee ay kala saxeexdeen dalalka Itoobiya,soomaaliland iyo Shirkadda DP.

Saleemaan cumar Axmed oo loo yaqaan Beerjiif ,kana mid ah odaydhaqameedyada beelaha Gobolada awdal iyo Selel ayaa war u siiyey qaybo ka mid ah saxaafadda maxalliga ah ku sheegay in xal laga gaadhay muran ku saabsan dhul beereed ku yaalla degaanada Xariirad,Habaas iyo C/qaadir ee soohdinta Itoobiya murankaasoo saameeyey saddex beelood oo walaalo ah oo degaanadaasi kasoo jeeda.

Hogaamiyedhaqamwedkan oo arrimahaasi ka hadlkayaan waxa u yidhi ''Waxan toddoba casho in ku dhaw ku sugnaa degaanada xariirad ,Habaas iyo C/qaadir oo beelaha wada deggen dhulkaasi ku muransanaayeen beero halkaa ku yaalla.Murankaasi waxa u keeni gaadhay inay beelahaasi isku dhacaan ,nabadgelyo darrana ka dhalato.Kaddib shirar iyo wadahadallo jilbaha la isku aastay waxan aniga iyo dhinacyadaasi go'aasannay inaanay dhulkaasi ka dhicin waxa iska hor imaad hubaysan ah ,wixii is afgarfanwaa ahna lagu dhameeyo wadahadal ,wadahadaladaasi kaddibna waxay dhinacyada khilaafkaasi khuseeyay ku heshiisyeen inay colaadda dhulbeereedkaasi joogsato wixii dhimanna lasii ambaqaado"

Saleemaan Beerjiif ayaa sidoo kale waxa u ka hadlay heshiiska hadalhayntiisu badatay ee ku saabsan Soomaaliland iyo shirkadda DP kaasoo uu ku tilmaamay inuu waxtar u leeyahay dalka iyo dadweynaha Soomaaliland isagoo yidhi "anigu ma garanayo sababta dad reer Soomaaliya uga qaylinayaan heshiiskan,waxan qabaa inuu heshiiskani dan u yahay dalka iyo reer Soomaaliland ah,waxanan mar walba jecelahay in heshiiskaasi loo fuliyo si dhakhso ah ,lana taageero shicib iyo dawladeba"



141 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines