Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Guddoomiye Ciro Oo Ku Gacan Saydhay Madaxweyne Biixi Inuu U Raaco Dalka Imaraadka.



Tue 13 March 2018.

Madaxweynaha Somaliland Biixi Cabdi ayaa waxaa uu maanta xafiiskiisa kulan kula yeesha gudoomiyayaasha xisbiyada mucaaridka iyo shir gudoonka golayaasha guurtida iyo wakiilada .

Madaxweynaha ayaa la sheegay in uu kulankaas laba gudoomiye xisbi mucaarid uu kaga codsadey in ay u raacaan dalka Imaraadka carabta oo uu galabta safar deg deg ah ugu baxay .

Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro ) ayaa ka gaws adaygay dalabka Madaxweynaha waanu gaashaanka ku dhuftey codsigaas isla markaana uu sheegay in aanu isagu u raaci doonin safarka uu ku tagaayo dalka Imaaradka carabta .

Balse waxaa codsigaas ka aqbalay gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID FaysalCali Waraabe kaas oo ka mid ahaa wafigii galabta ka dhoofay Madaarka Hargeysa ee uu madaxweynaha Somaliland hogaaminaayey



65 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines