Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Cadho ka Dhalatay Xildhibaan ka Tirsan Baarlamanka Uganda Oo ku Baaqay inay Ragu Garaacaan Xaasaskooda.



Tue 13 March 2018.

Dad ka cadhaysan hadal kasoo yeedhay Xildhibaan katirsan baarlamaanka Uganda, ayaa ka dalbadey inuu raali gelin ka bixiyo,kaasoo dhawaan ku baaqay in haweenka la garaaci karo.

Xildhaan Onesimus Twinamasiko, ayaa hadalka ka sheegay television-ka NTV ee Uganda, isagoo ragga ugu baaqay inay xaasaskooda edbin karaan.

"Waad edbin kartaa, mararka qaarkoodna waad garaaci kartaa, si aad u toosiso, haddey amar diido kugu sameyso."

Hadalada ka soo yeeray xildhibaanka, ayaa waxaa aad u dhaleeceeyay dadka isticmaala baraha bulshada, halka koox u dhaqaaqda xuquuqda arrimaha haweenka ay kula taliyeen inuu xildhibaanku dawo u raadsado dhaqtar maskaxda ah.

"Waa inuu gar qaataa, kana noqdaa hadalka ka soo yeeray. Runtii waa layaab in xildhibaan baarlamaan uu u qiil dayo xad gudub kuu doono ha noqdee. Waxani uu ka hadlayo waa dambi."

Sidoo kale dalka Uganda ayaa qiyaas ahaan shantii haweenba mid ka mid ah lagula kacaaa xadgudub jismiyeed ama mid ka dhaca guriga gudihiisa, sida ay sheegeyso warbixin ay sanadkii hore soo saartey dowladda.

Sikastaba ha ahaatee dadka isticmaalka Baraha Bulshada, ayaa deg deg uga jawaabey muuqaal gaaban oo internet-ka lasoo galiyey, kaasoo asalkiisa ka yimid wariye katirsan NTV Uganda.



55 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines