Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Wasaaradda Amniga Oo ka Hadashay Amar Al-shabaab ay kusoo Rogeen Garoomada Lagu Cayaaro Kubadda.



Mon 12 March 2018.

Dhawaan waxaa soo baxay warar sheegaya in Al-shabaab ku amreen milkiilayaasha garoomada Salaxa ah ee xiliyada habeenkii lagu cayaaro Kubadda Cagta, ayaa waxaa arintaa jawaab ka bixisay Wasaaradda Amniga xukuumadda Soomaaliya.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Cabdicasiis Xildhibaan ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay maamusho dowladda Soomaaliya, sidaa daraadeed uusan ka dhaqan gali karin amarada Al-shabaab, isaga oo uga digay milkiilayaasha garoomada in ay u hogaasamaan fariimaha uga imanaya Al-shabaab.

‘’Muqdisho dowladda Soomaaliya ayaa maamusha, ma aqbaleyno in milkiilayaasha garoomada lagu cayaaro kubadda xiliyada habeenkii u hogaasamaan amarka Al-shabaab, cid kasta oo amarka noocaa ah fulisa waxaan u arkeynaa in ay ka soo horjeedo dadaallada dowladdu ugu jirto sidii kooxahaasi looga adkaan lahaa’’ ayuu yiri Cabdicasiis Xildhibaan.

Dadka degmooyinka, Dayniile, Yaaqshiid, Kaxda Iyo Heliwaa, ayaa sheegay in Al-shabaab mamnuceen in lagu cayaaro garoomadda yar yare ee macmalka ah ee xiliyada habeenkii dhalinyaradu isku balansadaan, kuwaa oo u shaqeeya hab ganacsi ah oo kooxaha habeenkaa cayaaraya laga qaado lacago go’an.



104 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines