Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Raisul Wasaaraha Hindiya Oo Qaabilay Wafdigii Uu Horkacayey Raysal Wasaare Kuxigeenka Somaliya.(Sawirro)



Sun 11 March 2018.

Ra’iisalwasaaraha dalkai Hindiya Narendra Modi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Mohamed Gulleid iyo weftigiisii oo ku sugan dalka Hindiya.

Narendra Modi iyo Mahdi Mohamed Gulleid ayaa waxay ka wada hadleen xiriirka labada dal ee Hindiya iyo Soomaaliya sidii loo sii xoojin lahaa iyo qodobo ay ka mid yihiin sidii dowlada Hindiya dal ku galkeeda ugu fududayn laheyd dadka Soomaaliyeed ee u soo safra dalkooda.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi ayaa RW Hindiya gaarsiiyay salaan uu uga siday Madaxweynaha Soomaaliya Mohamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Khayre. Waxaana uu ka sheekeeyay taariikhda dhinaca dhaqanka ee Hindiya iyo Soomaaliya isagoo ka dalbaday in Xukuumadda Hindiya Soomaaliya kala shaqayso taageeradda sidii loo caawin lahaa dadka hayaanka dheer u soo gala baadigoobka Waxbarasho iyo mid Caafimaadba looguna sahli inay si fudud u helaan dal ku galka Hindiya.

Ra’iisul Wasaare Modi ayaa balan qaaday in Hindiya ay Soomaaliya si dhow ugala shaqaynayso xiriirada iskaashi ee arrimaha Bulshada iyo kuwa dibloomaasiyadeed, wuxuuna tilmaamay in kulankani albaab cusub u furayo xiriir dhow oo dhex mara labada dal.

Weftiga Ra’iisal wasaare xigeenka Soomaaliya oo weli ku sugan Hindiya ayaa ka qayb galay Shirka Caalamiga ahaa ee International Solar Alliance oo ka furmay Magaalada Delhi.

Safarkan shaqo ee Hindiya oo qaadanaya muddo afar cisho ah waxaa Ra’iisalwasaaraha ku-xigeenka ku wehlinaya, Wasiirka Tamarta iyo kheyraadka biyaha Salim Caliyow Ibrow, Wasiiru dawlaha Arimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah Abdulqadir Axmed khayr, Agaasimaha Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Waaxda Asiya Shirwac Abdulaahi iyo Xildhibaan Biihi Iimaan oo ka tirsan mudanayaa Aqalka hoose ee Soomaaliya.



117 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines