Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Ganacsatada Wawayn Ee Jowhar Oo Jabiyay Amar Horey Uga soo Baxay Maamulka Hirshabeele Oo Xabsi Lagu Guray.



Sun 11 March 2018.

Ganacsato caan ah oo ka mid ah kuwa ugu tunka weyn Magaalada Jowhar ayaa xabsi lagu guray ka dib markii lagu eedeeyey iney jebiyeen amar horey uga soo baxay maamulka gobolka Sh/dhexe oo ahaa ineysan tegi Karin degaanada ay Maamulaan Al-shabaab.

Booliska Maamulka Hirshabelle ayaa Ganacsatadan ka soo qabtay Kontorolka Galbeed ee Magaalada Jowhar xilli ay ku sii jeedeen degaanka Gamboole oo Al-Shabaab ay ku sugan yihiin, waxayna dhigeen xabsiga dhexe ee Magaalada.

Wararka ayaa sheegaya in ganacsatadan ay u yeereen Maamulka Al-Shabaab ee degaanka Gamboole, balse Ciidamada oo ka war helay arrinta Ganacsatada ayaa ka daba tagay soona qabtay.

Dhowaan Magaalada Jowhar waxaa lagu xiray Ganacsato xoolaha Iibisa oo 20 gaareysa, kuwaasoo u Maxkamd doontay Al-Shabaab, balse wada hadal kadib waala sii daayay.

Maamulka Hirshabeelle ayaa horey u amray inaan Maxkamad loo aadi karin dhulalka ay joogaan Al-shabaab, hase ahaatee Al-shabaab ayaa ku qasba ganacsatada qaar iney ugu tagaan goobaha ay maamulaan si ay ugala hadlaan canshuuro iyo lacago kale oo laga qaado.



133 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines