Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Mareykanka Oo Muddo Labo Maalmood Gudahood Duqeyntii Labaad ka Fuliyay Somaliya.



Thu 22 February 2018.

Milateriga Mareykanka ayaa weerarkii labaad oo cirka ah ku qaaday dagaalamayaasha Al-Shabaab muddo labo maalmood gudahood.

War saxaafadeed ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in duqeyn ka dhacday agagaarka degmada Jamaame ee Gobolka Jubadda Hoose 21-kii bishan February lagu dilay afar dagaalame.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in duqeyntan lagu taageerayay dowladda Federaalka, waxaana intaa lagu daray in aanay jirin dad rayid ah oo wax ku noqday.

19-kii bishan ayay aheyd markii Milateriga Mareykanka ay sheegeen duqeyn ka dhacday agagaarka degmada Jilib ay ku dileen 3 dagaalame ka tirsan Shabaab.

Mareykanka ayaa sanadkan cusub ee 2018 ka fuliyay Soomaaliya illaa afar duqeyn ah, oo ka dhan Al-Shabaab.



118 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines