Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Ganacsatada Muqdisho Oo soo Dhaweeyey Go’aankii Gudiyadda Baarlamaanka ku Laaleen Canshuurtii Lagu soo Rogay.(Sawiro)



Thu 22 February 2018.

Ganacstada Gobolka Banaadir oo Maalmahaan ka Cabanayey Canshuurta Iibka ee ay soo rogtey Wasaaradda Maaliyada ee Dowlada Federalka oo ay tiri waxaan u qaadeynaa si hormaris ah waxaana ku qaadaneyaa Gudaha Dekeda Magaalada Muqdisho ayaa Ganacstada waxay ku Tilmaameen mid Sharcidaro ah, waxay kaloo sheegeen in aaney Canshuurtaasi Waafaqsaneyn Shuruucda Qaadista Canshuuraha dalka ,

Ganacstada oo Shir Jaraaid ku qabtey Magaaladda muqdisho ayaa ugu dambeyntii waxay Shirkooda Jaraaid ka soo saareen Qododbada soo socda

1- Ganacsatada Gobolka Banaadir waxay taageertey Go’aanka Gudiga Maaliyada iyo Gudiga Ganacsiga ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed

2-Ganasatada waxay ka Codsanayaan Wasaarada Maaliyadda ee Dowlada Federaalka in ay u Hagaansato Hab raaca u yaalaha Canshuurah Dalka

3-Ganacstada waxay ogoshahay Canshuuraadka Dhoofinta iyo Soo dejinta waxaana Sharcidaro ah Canshuurta Iibinta oo ee Boqolkiiba Shan 5% in lagu qaado Dekeda laguna koobay Ganacsatada Gobolka Banaadir oo Keliya

4-Ganacsatada Gobolka Banaadir waa Canshuur bixiyayaasha Keliya ee Canshuurta siiya Dowlada Federaalka

5-Waxaa ka Xunahay wararka ay faafiyeen qaar ka mid ah Warbaahinta oo sheegay in ay isfahmeen Wasaarada Maaliyada Iyo Ganacsatada Gobolka Banaadir.



108 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines