Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Madaxweyne Biixi Oo Magacaabay Agaasimayaal, Safiiro Iyo Garsoorayaasha Maxkamada Ciidamada Somaliland.



Thu 22 February 2018.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo summadiisu tahayJSL/XM/WM/222-43/022018, uu ku magacaabay sagaal masuul. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan;

Waxaan Go’aamiyey:

In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta magacyadoodu hoos ku xusan yihiin:

Xilka

1.Cismaan Sheekh Cabdi Sheekh Maxamed Kaahin Maareeyaha Hay'adda Waddooyinka

2. Mustafe Faarax Cali Aadan

Maareeye Ku-xigeenka Hay'adda Waddooyinka

3.Muuse Xasan Xaaji Yuusuf Guddoomiyaha Hay'adda Dhawrista Tayada

4. Khadra Xaaji Ismaaciil Yoonis (Khadra Xaaji Gaydh)

Guddoomiye Ku-xigeenka Hay'adda Dhawrista Tayada

5. Maxamed Cali Bille Guuleed

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada

6. Axmed Xasan Cigaal Sahal

Safiirka Somaliland u Fadhiya Itoobiya

7. Maxamed Warsame Ducaale

Ergayga Gaarka ah ee u Qaabilsan Somaliland Qaramada Midoobay

8. Maxamed Cabdikariin Cumar Ismaaciil (Maarshaal)

Safiir Ku-xigeenka Somaliland u Fadhiya Itoobiya

9. Ayaanle Salaad Diiriye

Safiir Ku-xigeenka Somaliland u Fadhiya Dalka Kiiniya

Masuuliyiinta xilka wareejinaya, waxaan uga mahad-celinayaa sidii xil-kasnimada lahayd ee ay u guteen waajibaadkoodii Qaran, muddadii ay xilkahayeen.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

+++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo summadiisu tahayJSL/XM/WM/222-44/022018, uu ku magacaabay todoba masuul. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu sidan:-
Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan;

Waxaan Go’aamiyey:

In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta magacyadoodu hoos ku xusan yihiin:

Magaca Xilka

1. Gaashaanle Sare, Saleebaan Muuse Xasan

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidammada Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Somaliland

2. Gaashaanle Sare, Siciid Xasan Maxamed

Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Ciidammada Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Somaliland

3. Gaashaanle Dhexe, Ibraahin Maxamuud Guuleed

Guddoomiyaha Maxkamadda D1aad ee Aaga Bari

4.Gaashaanle, Cabdillaahi Xasan CarraaleGarsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Ciidammada Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Somaliland

5. Gaashaanle, Yaasiin X. Cali Maxamuud Garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ee Ciidammada Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Somaliland

6. Gaashaanle Dhexe, Fu'aad Raage Maxamed Xirsi

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Ciidammada Qaranka

7. Gaashaanle, Khadar Cali Maxamuud

Xeer-ilaaliye Ku-xigeenka 1aad ee Ciidammada Qaranka

Masuuliyiinta xilka wareejinaya, waxaan uga mahad-celinayaa sidii xil-kasnimada lahayd ee ay u guteen waajibaadkoodii Qaran, muddadii ay xilka hayeen, isla markaana waxaan farayaa in ay ku noqdaan Talisyada Ciidan ee ay ka tirsan-yihiin.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland



141 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines