Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Kheyre Iyo Wasiirkiisa Maaliyada Oo la Kulmay Ganacsato ka Cabaneysa Canshuuraha Lagu Kordhiyay.(Sawirro)


Wed 14 February 2018.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta la kulmay qaar kamid ah ganacsatada gobolka Banaadir oo cabasho ka qabtay canshuuro dheeraad ah oo Wasaarada Maaliyada kusoo rogtay ganacsatada.

Kulanka Ra’isul Wasaare Kheyre la qaatay Ganacsatada waxaa ku wehliyay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Mudane C/raxmaan Ducaalle Beyl, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Mudane Maxamed Cabdi xayir Maareeye iyo mas’uuliyiin kale.

Ra’isul Wasaaraha iyo Wasiirada wehliyay ayaa ganacsatada kala hadlay sidii loo dejin lahaa xiisada ka dhalatay canshuur kordhinta Wasaarada Maaliyada ku sameeysay Ganacsatada, waxa uuna ganacsatada ka codsaday in ay bixin canshuurta si dhaqaalaha kor loogu qaado.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaalle Beyl, ayaa sheegay in R/Wasaaraha kala hadlay ganacsatada sidii ay u bixin lahaayeen Canshuurta waajibka ku ah .

“Aniga iyo R/wasaare Xasan Cali kheyre waxaa la kulanay Ganacsatada Soomaaliyeed, waxaana kawada hadalnay Bixinta Canshuuraha, Ganacsatada waxay mudan yihiin qadarin , waana muwaadiniin kasoo qeyb qaatay dib u dhiska dalka iyo horumarka la gaaray, wadashaqeyn ayaan dhammaan ku horumari karnaa” ayuu yiri Wasiir Beyle

Ganacsatada gobolka Banaadir ayaa kasoo horjeestay canshuur kordhin Wasaarada Maaliyada ku sameeysay, waxaana maalmihii lasoo dhaafay hakad galay dhaq dhaqaaqyadii ka jiray Dekadda Muqdisho.



Views : 36



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines

Wafdigii Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka Turkiga Oo Kormeeray Saldhiga Milatari Ee Ay ka Dhiseen Muqdisho.(Sawirro)

Wasiirka Warfaafinta Oo Isku Shaan-dhayn Ku Sameeyay Waaxyaha Wasaaraddiisa.

Madaxweynaha Hirshabeele Oo la Kulmay Madaxweynaha Dalka Jabuuti.

Dawlada Somaliya Oo ka Digtay Gaadiid Waxyaabaha Qarxa Laga soo Buuxiyay Oo soo Galay Muqdisho.

Ganacsatada Muqdisho Oo soo Dhaweeyey Go’aankii Gudiyadda Baarlamaanka ku Laaleen Canshuurtii Lagu soo Rogay.(Sawiro)

Xisbiga Oromada Itoobiya Oo Guddoomiye Cusub Doortay iyo Filashada Uu Raysal Wasaare Ku Noqon Karo.

Shirka Golaha Wasiirada Somaliland Oo Laga Soo Saaray Qodobo Iyo Daraasad Ku Saabsan Isku Dhacyadda Beelaha.

Dawlada Iiraan Oo Soo Bandhigtay Dedaalo Ay Waddo Oo Lagu Joojinayo Dagaalka Dalka Suuriya.

Daawo Xisbiga Waddani Oo Si Kulul Uga Hadley Ex Wasiir Samsam Oo Ka Degtay Moqdisho.

Daawo Xisbiyada Ucid Iyo Wadani Oo Ku Dhawaaqey Gudiyo Badhintaano Ku Samaynaya Golayaasha Deegaanka Dalka.

Nuxurka Qodobo Lagaga Hadlay Shirkii Golaha Wasiirada Ee Maamulka Puntland.

Madaxweyne Biixi Oo Magacaabay Agaasimayaal, Safiiro Iyo Garsoorayaasha Maxkamada Ciidamada Somaliland.

Itoobiya Oo sii Deysay ilaa 1, 500 Maxaabiis ka Tirsanaa Ururka ONLF.

Dagaal ka Dhacay Degmada Baardheere Ee Gobolka Gedo.