Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Maxkamada Britain Oo lasoo Taagay Somali Lagu Eedeyay Inuu Lacag U Qaatay ku Biirida Daacish.



Wed 14 February 2018.

Sida uu daabacay Wargeyska telegraph ee Ingiriiska kasoo baxa Nin Soomaali ah oo la xiray isagoo doonaya inuu ku Biiro ururka Daacish ayaa la ogaaday inuu Bangi ka deynsaday lacag dhan 10,000 oo Euro oo u dhiganta 12,362 Dollar ka Mareykanka ah.

Aweys Shiikhey ayaa Bangiga u sheegay inuu Lacagta ugu baahan yahay si uu ugu guursado, laakiin waxaa la ogaaday inuu ku talo galay in uu ugu safro Siiriya si uu Daacish ugu Biiro.

Ninkan oo 38 jir ah ayaa darawal ka ah gaari Badeecooyinka daabula wuxuuna inkiray inuu diyaarinayay weerarro argagixiso iyo inuu dad kale kala dooday dilka Boqoradda UK iyo ra’iisul wasaarihii hore ee ingiriiska David Camiroon.

Xeer ilaalinta eedeeymaha Aweys Shiikhow Gacanta ku haya ayaa sheegay inuu ka hadlay in la weeraro Yahuud Degan degmadda Stamford Hill ee ku taalla Waqooyi bari magaaladda London iyo in Qori AK47 ah lagu beegsado marka taagerasyaasha kubadda Cagtu kasoo Baxaan Garoonka Tottenham Hotspur.

Aweys wuxuu heystaa dhalashadda dalka Netherlands wuxuuna leeyahay Labo xaas oo kala dagan Netherlands iyo Kenya iyo Caruur, waxaa 23 kii May ee Sanadkii tagay laga qabtay Garoon Caalami ah oo ku yaala London.

Dacwad ooge lagu magacaabo Barnaby Jameson in ujeedo kasta oo uu lahaa Aweys ay ka dhex muuqatay Xagjirnimo.

Muwaadin Soomaaliyeed oo ku noolaa wadanka Kenya magaciisana lagu sheegay Abdirahman Idris Hassan ayaa la sheegay inuu Xagjirnimaddda ku dhiiri galiyay Aweys Shiikhey sida laga ogaaday Qoraal ay isku dhaaafsadeen baraha bulshada.



Views : 25



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines

Wafdigii Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka Turkiga Oo Kormeeray Saldhiga Milatari Ee Ay ka Dhiseen Muqdisho.(Sawirro)

Wasiirka Warfaafinta Oo Isku Shaan-dhayn Ku Sameeyay Waaxyaha Wasaaraddiisa.

Madaxweynaha Hirshabeele Oo la Kulmay Madaxweynaha Dalka Jabuuti.

Dawlada Somaliya Oo ka Digtay Gaadiid Waxyaabaha Qarxa Laga soo Buuxiyay Oo soo Galay Muqdisho.

Ganacsatada Muqdisho Oo soo Dhaweeyey Go’aankii Gudiyadda Baarlamaanka ku Laaleen Canshuurtii Lagu soo Rogay.(Sawiro)

Xisbiga Oromada Itoobiya Oo Guddoomiye Cusub Doortay iyo Filashada Uu Raysal Wasaare Ku Noqon Karo.

Shirka Golaha Wasiirada Somaliland Oo Laga Soo Saaray Qodobo Iyo Daraasad Ku Saabsan Isku Dhacyadda Beelaha.

Dawlada Iiraan Oo Soo Bandhigtay Dedaalo Ay Waddo Oo Lagu Joojinayo Dagaalka Dalka Suuriya.

Daawo Xisbiga Waddani Oo Si Kulul Uga Hadley Ex Wasiir Samsam Oo Ka Degtay Moqdisho.

Daawo Xisbiyada Ucid Iyo Wadani Oo Ku Dhawaaqey Gudiyo Badhintaano Ku Samaynaya Golayaasha Deegaanka Dalka.

Nuxurka Qodobo Lagaga Hadlay Shirkii Golaha Wasiirada Ee Maamulka Puntland.

Madaxweyne Biixi Oo Magacaabay Agaasimayaal, Safiiro Iyo Garsoorayaasha Maxkamada Ciidamada Somaliland.

Itoobiya Oo sii Deysay ilaa 1, 500 Maxaabiis ka Tirsanaa Ururka ONLF.

Dagaal ka Dhacay Degmada Baardheere Ee Gobolka Gedo.