Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Maxkamad la soo taagay Gabadh Oo Lagu Eedeeyay Inay Dhirbaaxday Askari Yuhuud ah.



Tue 13 February 2018.

Maxkamad Milatari oo albaabada loo xirtey ayaa la soo taagay maanta gabadha caanka noqotay ee Ahed Tamimi iyo hooyadeed.

Ahed Tamimi oo 17 sano jir ah ayaa loo haystaa illaa 12 dambi oo ay ka mid yihiin weerar ay ku qaaday askar iyo kicin rabshado. Haddii lagu helo dambiyada lagu soo oogay ayay xabsi dheer lagu xukumi karaa gabadhan.

Shacabka reer Falastiin ayaa waxa ay u tahay Ms Tamimi astaan dhaqdhaqaaqa loogaga soo horjeedo Israel halka dad badan oo Israel ah ay u tahay gabar rabsho badan oo raadineysa in ay caan noqoto.

Ms Tamimi ayaa la keenay maxkamada Milatari saaka iyadoo gacmaha iyo lugahaba ka katiinadeysan. Bassem oo ah Tamimi aabaheed ayaa ku sugayay qolka maxkamada markii ay timidna waxa uu ku dhiirigeliyay inay is adkeyso.

Weriyaashii sugayay inay warbixino ka diyaariyaan maxkamadan ayaa lagu amray inay ka baxaan maxkamada. Qareenka difaacayay Axed Gaby Lasky ayaa sheegay in maxkamada ay sameysay wixii u wanaagsanaa oo aysan sameyn wixii u fiicnaa Axed Tamimi.

Wakaalada wararka AFP ayaa ka soo xigatay ms Lasky in ay ku dooday in aysan maxkamadu socon karin maadaama degenaanshaha Daanta Galbeed iyo maxkamadaba ay tahay sharci darro.

Ugu dambeyntii dhagaysiga maxkamada ayaa dib loo dhigey illaa iyo bisha March ee soo socota iyadoo ay tahay markii labaad oo dib loo dhigayo qaadista dacwada Ms Tamimi.
Ahed Tamimi ayaa markeedii ugu horeysay waxaa lagu arkay muuqaal video ah iyadoo la dagaalamaysa askari Yuhuudi ah.

Waxayna hore dhowr jeer uga qeybgashay banaanbaxyo loogaga soo horjeedo maamulka Israel. Madaxweynaha Turkiga Erdogan ayaa amaanay dhaqanka gabadhan waxana uu ugu deeqey Billad geesi.



Views : 24



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines

Wafdigii Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka Turkiga Oo Kormeeray Saldhiga Milatari Ee Ay ka Dhiseen Muqdisho.(Sawirro)

Wasiirka Warfaafinta Oo Isku Shaan-dhayn Ku Sameeyay Waaxyaha Wasaaraddiisa.

Madaxweynaha Hirshabeele Oo la Kulmay Madaxweynaha Dalka Jabuuti.

Dawlada Somaliya Oo ka Digtay Gaadiid Waxyaabaha Qarxa Laga soo Buuxiyay Oo soo Galay Muqdisho.

Ganacsatada Muqdisho Oo soo Dhaweeyey Go’aankii Gudiyadda Baarlamaanka ku Laaleen Canshuurtii Lagu soo Rogay.(Sawiro)

Xisbiga Oromada Itoobiya Oo Guddoomiye Cusub Doortay iyo Filashada Uu Raysal Wasaare Ku Noqon Karo.

Shirka Golaha Wasiirada Somaliland Oo Laga Soo Saaray Qodobo Iyo Daraasad Ku Saabsan Isku Dhacyadda Beelaha.

Dawlada Iiraan Oo Soo Bandhigtay Dedaalo Ay Waddo Oo Lagu Joojinayo Dagaalka Dalka Suuriya.

Daawo Xisbiga Waddani Oo Si Kulul Uga Hadley Ex Wasiir Samsam Oo Ka Degtay Moqdisho.

Daawo Xisbiyada Ucid Iyo Wadani Oo Ku Dhawaaqey Gudiyo Badhintaano Ku Samaynaya Golayaasha Deegaanka Dalka.

Nuxurka Qodobo Lagaga Hadlay Shirkii Golaha Wasiirada Ee Maamulka Puntland.

Madaxweyne Biixi Oo Magacaabay Agaasimayaal, Safiiro Iyo Garsoorayaasha Maxkamada Ciidamada Somaliland.

Itoobiya Oo sii Deysay ilaa 1, 500 Maxaabiis ka Tirsanaa Ururka ONLF.

Dagaal ka Dhacay Degmada Baardheere Ee Gobolka Gedo.