Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Haweenka Iskaashatada Hilibka Ee Nafaqo Boorama Oo Cabasho la Hortagay Saldhiga Boliska Oo la Xidh-xidhay.



Tue 13 February 2018.

Tobannaan ka tirsan haweenka iskaashatada hilibka ee Nafaqo ayaa maanta gelinkii dambe isusoiobax cabasho ah la hortegey saldhigga Booliska Boorama halkaasoo haween ka mid iskaashatadaaasi lagu xidhay

Haweenkan oo cabbaare 3dii galabnimo tegey saldhiggaasi ayaa ku qaylinayey hadallo ka dhan xadhigga haweenkaasi oo siday sheegeen lagusoo xidhxidhay hawlgallo ciidamada dawladda hoose iyo kuwa booolisku ka sameeyeen sariibadda hilibka Boorama .Haweenkan la xidhxidhay ayaa booliska u diiday inay banneeyaan dhisme la doonayey in laga hirgeliyo afaafka dambe ee sariibadda hilibka iyagoo haweenkaasi ku doodayey inaysan oggolaan karin in dhismayaal lagu jaro suuqa hilibka ee ay ku ganacsadaan .

Inkastoo anay taliyayaashii saldhigga Boolisku wakhtigaa ku sugnayn xaruntooda haweenkaana ilaalada saldhiggu u sheegeen inay galabnimada dib ugusoo laabtaan balse lama oga in ilaa hadda haweenkaasi laga sii daayey xabsiga saldhigga .

Sikastaba ha ahaatee waa maalintii saddexaad ee si xidhiidh ah ay Boorama ka dhacaan isusoobaxyo cabasho ah oo ka dhan ah maamulka G/degaanka Boorama .



127 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines