Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Jaad La’aan Maanta ka Jirta Magaalada Boorama.



Tue 13 February 2018.

Guud ahaan magaalooyinka Somaliland ayaa maanta laga dareemay Qaad la’aan ka dib markii Itoobiya laga joojiyay jaadkii ka iman jirey ee lagu cuni jirey dalka.

Dadka ku dhaqan Boorama ee cuna jaadka ayaa maanta u ahayd maalin ku adag, waxaanay dhex wareegayeen suuqyadda magaaladda si wax yar uun usoo helaan oo qaadiradda iskaga jabiyaan, waxaana goor dambe la keenay jaad yar oo qaali ah,inkastoo markiiba denbe ay dad gadoodsan ku qamaamay jaadkan yar ee yimid ee waliba qaaliga lagu iibinayey.

Qaadka ayaa la hakiyey saddex cisho, iyado wararka sheegayaan in munaasibada qaran ee Itoobiya darteed loo joojiyey, halka qaar kale sheegayaan in shalay isku dhac kale ku yimid Oromadda iyo Soomaalidda taasina ay keentay qaadka la joojiyey.

Sidoo kale illa hadda dawlada Itoobiya iyo Somaliland midna kama hadal, haseyeeshee dadka ka gacansada qaadka ayaa sheegay in sababta loo joojiyey tahay isku dhaca ku yimid Soomaalida iyo Oromadda.



Views : 23



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines

Wafdigii Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka Turkiga Oo Kormeeray Saldhiga Milatari Ee Ay ka Dhiseen Muqdisho.(Sawirro)

Wasiirka Warfaafinta Oo Isku Shaan-dhayn Ku Sameeyay Waaxyaha Wasaaraddiisa.

Madaxweynaha Hirshabeele Oo la Kulmay Madaxweynaha Dalka Jabuuti.

Dawlada Somaliya Oo ka Digtay Gaadiid Waxyaabaha Qarxa Laga soo Buuxiyay Oo soo Galay Muqdisho.

Ganacsatada Muqdisho Oo soo Dhaweeyey Go’aankii Gudiyadda Baarlamaanka ku Laaleen Canshuurtii Lagu soo Rogay.(Sawiro)

Xisbiga Oromada Itoobiya Oo Guddoomiye Cusub Doortay iyo Filashada Uu Raysal Wasaare Ku Noqon Karo.

Shirka Golaha Wasiirada Somaliland Oo Laga Soo Saaray Qodobo Iyo Daraasad Ku Saabsan Isku Dhacyadda Beelaha.

Dawlada Iiraan Oo Soo Bandhigtay Dedaalo Ay Waddo Oo Lagu Joojinayo Dagaalka Dalka Suuriya.

Daawo Xisbiga Waddani Oo Si Kulul Uga Hadley Ex Wasiir Samsam Oo Ka Degtay Moqdisho.

Daawo Xisbiyada Ucid Iyo Wadani Oo Ku Dhawaaqey Gudiyo Badhintaano Ku Samaynaya Golayaasha Deegaanka Dalka.

Nuxurka Qodobo Lagaga Hadlay Shirkii Golaha Wasiirada Ee Maamulka Puntland.

Madaxweyne Biixi Oo Magacaabay Agaasimayaal, Safiiro Iyo Garsoorayaasha Maxkamada Ciidamada Somaliland.

Itoobiya Oo sii Deysay ilaa 1, 500 Maxaabiis ka Tirsanaa Ururka ONLF.

Dagaal ka Dhacay Degmada Baardheere Ee Gobolka Gedo.