Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Madaxwaynaha Tanzania Oo Raga Dalkiisa Ugu Baaqay Inay Guursadaan Dumar Badan.



Tue 13 February 2018.

Madaxweynaha Dalka Tanzania John Magufuli oo dad badan kula hadlayay goob fagaare ah ayaa ugu baaqay raga u dhashay Tanzaaniya in ay guursadaan wax ka badan xal xaas.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha in dalkooda kusoo badatay mushkilada haweenka iyaga oon la guursan uurka qaada, waxa uuna ugu baaqay raga si mushkiladaasi loo xaliyo in ay guursadaan hal xaas ka badan.

” Waxaan ku talin lahaa raga in ay guursadaan wax ka badan hal xaas si looga hortago in haweenka iyaga oon la guursan uur banaanka ku qaadaan, waxaa sidoo kale nagu batay haweenka la seexanaya rag xaasas leh” Ayuu yiri Madaxweynaha Tanzaaniya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Ragga Tanzaaniya ay tiro ahaan ka yaryihiin Haweenka iyada oo 40Milyan oo Haween ah ay ku noolyihiin dalkaasi marka loo bar bar dhigo Ragga dalkaas oo gaaraya 30 Milyan.

Waxa uu sheegay Madaxweyne John Magufuli in uusan raga ku qasbeyn in ay guursadaan xaasas badan balse uu kula talinayo in ay guursadaan xaasas badan si xal looga gaaro mushkilada haweenka banaanka uurka ku qaada iyo kuwa rag la’aanta heesato.

Dalka Tanzaaniya ayaa waxaa kusoo batay gabdhaha iyaga oon guursan uurka qaada, waxa uuna Madaxweynaha dalkaasi mar sii horeesay ku dhawaaqay in gabdhaha Iskuulka dhigta hadii ay Uur qaadan waxbarashada laga reebayo taa uu kala kulmay dhaleeceyn xoogan .



Views : 22



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines

Wafdigii Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka Turkiga Oo Kormeeray Saldhiga Milatari Ee Ay ka Dhiseen Muqdisho.(Sawirro)

Wasiirka Warfaafinta Oo Isku Shaan-dhayn Ku Sameeyay Waaxyaha Wasaaraddiisa.

Madaxweynaha Hirshabeele Oo la Kulmay Madaxweynaha Dalka Jabuuti.

Dawlada Somaliya Oo ka Digtay Gaadiid Waxyaabaha Qarxa Laga soo Buuxiyay Oo soo Galay Muqdisho.

Ganacsatada Muqdisho Oo soo Dhaweeyey Go’aankii Gudiyadda Baarlamaanka ku Laaleen Canshuurtii Lagu soo Rogay.(Sawiro)

Xisbiga Oromada Itoobiya Oo Guddoomiye Cusub Doortay iyo Filashada Uu Raysal Wasaare Ku Noqon Karo.

Shirka Golaha Wasiirada Somaliland Oo Laga Soo Saaray Qodobo Iyo Daraasad Ku Saabsan Isku Dhacyadda Beelaha.

Dawlada Iiraan Oo Soo Bandhigtay Dedaalo Ay Waddo Oo Lagu Joojinayo Dagaalka Dalka Suuriya.

Daawo Xisbiga Waddani Oo Si Kulul Uga Hadley Ex Wasiir Samsam Oo Ka Degtay Moqdisho.

Daawo Xisbiyada Ucid Iyo Wadani Oo Ku Dhawaaqey Gudiyo Badhintaano Ku Samaynaya Golayaasha Deegaanka Dalka.

Nuxurka Qodobo Lagaga Hadlay Shirkii Golaha Wasiirada Ee Maamulka Puntland.

Madaxweyne Biixi Oo Magacaabay Agaasimayaal, Safiiro Iyo Garsoorayaasha Maxkamada Ciidamada Somaliland.

Itoobiya Oo sii Deysay ilaa 1, 500 Maxaabiis ka Tirsanaa Ururka ONLF.

Dagaal ka Dhacay Degmada Baardheere Ee Gobolka Gedo.