Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Garoonka Ciyaaraha Golfka Ee Dalka Maraykanka Oo Laga Shaqaalaysiiyay Xayn Riyo ah.



Tue 13 February 2018.

Xayn riyo ah ayaa laga shaqaalaysiiyay garoonka lagu ciyaaro kubada Golfka ee gobolka Oregon ee dalka Maraykanka, kuwaas oo ka hawlgali doono garoon garoonkaasi.

Riyahan ayaa lagu rari doonaa ulaha lagu gano kubbada,iyo kubbadaha dheeraadka ah iyo alaabaha kale,waxaana lagu xirayaa wax u eg koore oo leh qaanado iyo jeebab la galiyo alaabta lagu rarayo.

Sidoo kale Ninka lagu magacaabo Colby Marshal oo ka mid ah mas'uuliyiinta goobta ciyaaraha lagu qabanayo ayaa sheegay in riyaha ay yihiin xayawaan dheesha jecel, islamarkaasna ay micno kale ku dari doonaan ciyaaraha,isgoo intaas ku daray in riyaha lagu sasabi doono looska.

Dhinaca kale ururada u dooda xuquuqda xayawaanka ayaa arrintan ka deyriyay. Waxa ay sheegeen in loo baahanyahay in riyaha la fasoxo, islamarkaasna loo dhaafo in ay xoriyadooda ku daaqsimaan.



57 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines