Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Qarax Miino Oo Ciidanka AMISOM Lagula Eegtay Duleedka Degmada Balcad.



Mon 12 February 2018.

Qarax Miino ayaa Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM duhurnimadii maanta lagula eegtay duleedka degmada Balcad ee Gobolka Sh/dhexe.

Qaraxan oo noociisa uu ahaa Miinada nuuca dhulka lagu aaso ayaa waxa uu qabsaday mid ka mid ah kolonyada Ciidanka AMISOM, xilli uu marayay degaanka Il-baq oo ku yaalla duleedka magaalada Balcad, sida ay inoo sheegeen dadka degaanka.

Qaraxa kadib rasaas Ciidamada Midowga Afirka ee AMISOM ayaa la sheegay inay fureen rasaas, taasi oo ay kaga jawaabayeen qaraxa Miinada ah ee lala eegtay, inkastoo rasaastaasi aysan jirin cid wax ku noqotay.

Ilaa hadda si dhab ah looma oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxan, waxaana warar horudhac ah oo soo baxaya ay sheegayaan in Qaraxan uu khasaare ka soo gaaray Ciidanka AMISOM.

Ciidamo Soomaali ah ayaa la socday ciidanka AMISOM xilliga qaraxaan lagula eegtay inta u dhaxeysa degaanada Haansheekh iyo Golaley oo degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.



107 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines