Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Al-shabaab Oo Sheegtay Inay Dilal ka Fuliyeen Deegaanno ka Tirsan Gobollada Hiiraan iyo Gedo



Mon 12 February 2018.

Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay in maalmihii ugu danbeeyay sida ay hadalka u dhigeen xoogag iyaga ka tirsan dilal ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobollada Hiiraan iyo Gedo.

Warbaahinta ku hadasha Afka Al-shabaab ayaa sheegtay dilka ka dhacay magaalada Baardheere in lala beegsaday sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda Federaalka, kaasi oo magaciisa lagu soo koobay Axmadey.

Sidoo kale Idaacadda Andalus ayaa sheegtay xoogaga ururka Al-shabaab ee dilka geystay in ay qaateen Qoriga iyo Booshkii uu watay Askariga, islamarkaana halkaasi ay ka baxsadeen raggii dilka geystay.

Dhinaca kale Al-shabaab ayaa sheegay in gobolka Hiiraan gaar ahaan magaalada Beledweyne ka fuliyeen dilal loo geystay ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Marka laga soo tago sheegashada ururka Al-Shabaab ee dilalkan ka kala dhacay gobollada Gedo iyo Hiiraan ma jirto ilo madax banaan iyo Saraakiil ka tirsan dowladda federaalka oo warkan xaqiijinaya.

Magaalada Beledweyne howlgal ciidamada dowladda ay ka sameeyeen maalmihii ugu danbeeyay waxaa lagu soo qabqabtay dad la tuhusan yahay in ay ka tirsan yihiin Ururka Al-shabaab, kuwaa oo ku eedeysan in ay magaalada ka wadeen falal Amniga ka dhan ah.



Views : 19



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines

Wafdigii Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka Turkiga Oo Kormeeray Saldhiga Milatari Ee Ay ka Dhiseen Muqdisho.(Sawirro)

Wasiirka Warfaafinta Oo Isku Shaan-dhayn Ku Sameeyay Waaxyaha Wasaaraddiisa.

Madaxweynaha Hirshabeele Oo la Kulmay Madaxweynaha Dalka Jabuuti.

Dawlada Somaliya Oo ka Digtay Gaadiid Waxyaabaha Qarxa Laga soo Buuxiyay Oo soo Galay Muqdisho.

Ganacsatada Muqdisho Oo soo Dhaweeyey Go’aankii Gudiyadda Baarlamaanka ku Laaleen Canshuurtii Lagu soo Rogay.(Sawiro)

Xisbiga Oromada Itoobiya Oo Guddoomiye Cusub Doortay iyo Filashada Uu Raysal Wasaare Ku Noqon Karo.

Shirka Golaha Wasiirada Somaliland Oo Laga Soo Saaray Qodobo Iyo Daraasad Ku Saabsan Isku Dhacyadda Beelaha.

Dawlada Iiraan Oo Soo Bandhigtay Dedaalo Ay Waddo Oo Lagu Joojinayo Dagaalka Dalka Suuriya.

Daawo Xisbiga Waddani Oo Si Kulul Uga Hadley Ex Wasiir Samsam Oo Ka Degtay Moqdisho.

Daawo Xisbiyada Ucid Iyo Wadani Oo Ku Dhawaaqey Gudiyo Badhintaano Ku Samaynaya Golayaasha Deegaanka Dalka.

Nuxurka Qodobo Lagaga Hadlay Shirkii Golaha Wasiirada Ee Maamulka Puntland.

Madaxweyne Biixi Oo Magacaabay Agaasimayaal, Safiiro Iyo Garsoorayaasha Maxkamada Ciidamada Somaliland.

Itoobiya Oo sii Deysay ilaa 1, 500 Maxaabiis ka Tirsanaa Ururka ONLF.

Dagaal ka Dhacay Degmada Baardheere Ee Gobolka Gedo.