Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Mareykanka Oo Sheegay Inay Diyaar U Yihiin Wadahadalo ay la Galaan Kuriyada Woqooyi.



Mon 12 February 2018.

Isbadal ku yimid mowqifkii Mareykanka ee ku aadanaa Kuuriyada waqooyi kadib markii uu Madaxwayna ku xigeenka dalka Mareykanka Mike Pence uu shaaciyay inay diyaar u yihiin wadahadalo ay la galaan Kuuriyada Waqooyi.

Madaxwayne kuxigeenka Mareykanka ayaa sheegay inay sii wadi doonaan cunaqabtayn adag ee ay ku soo rogeen Pyongyang, balse haddii ay doonayaan wadahadal ay Maraykanka diyaar u yihiin.

Maamulka madaxwayne Trump ayaa hore si cad u sheegay  in aysan wax wadahadalo ah la galayn hogaamiyaha Kuuriyada Woqooyi Kim Jong Un ilaa uu ka muujinayo in uu ka talabaxay barnaamijkiisa Niyukleerka.

Sidoo kale madaxwayna ku xigeenka Mareykanka oo dib uga soo laabtay ciyaaraha olambikada ee xilliga qaboobaha ee uu ka qaybgalay ayaa waraysi uu siiyay wargayska Washington Post Mr Pence waxa uu sheegay in uu Mareykanka rajaynayo in wadaxaajood aan shuruudo ku xirnayn uu la galo xukuumada Kuuriyada Waqoyi.

Madaxwayne Moon ayaa Mareykanka u xaqiijiyay in Kuuriyada wuqooyi aysan faa'ido dhaqaale iyo mid dublamaasiyadeed midna aysan ku hali doonin wadahadlada.

Madaxwaynaha Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in faa'idooyiinkaasi ay imaan karaan oo kali ah haddii xukuumadda Pyongyang ay qaado tillaabooyiin la taaban karo oo ku aadan barnaamijka Niyukleerka.



Views : 20



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines

Wafdigii Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka Turkiga Oo Kormeeray Saldhiga Milatari Ee Ay ka Dhiseen Muqdisho.(Sawirro)

Wasiirka Warfaafinta Oo Isku Shaan-dhayn Ku Sameeyay Waaxyaha Wasaaraddiisa.

Madaxweynaha Hirshabeele Oo la Kulmay Madaxweynaha Dalka Jabuuti.

Dawlada Somaliya Oo ka Digtay Gaadiid Waxyaabaha Qarxa Laga soo Buuxiyay Oo soo Galay Muqdisho.

Ganacsatada Muqdisho Oo soo Dhaweeyey Go’aankii Gudiyadda Baarlamaanka ku Laaleen Canshuurtii Lagu soo Rogay.(Sawiro)

Xisbiga Oromada Itoobiya Oo Guddoomiye Cusub Doortay iyo Filashada Uu Raysal Wasaare Ku Noqon Karo.

Shirka Golaha Wasiirada Somaliland Oo Laga Soo Saaray Qodobo Iyo Daraasad Ku Saabsan Isku Dhacyadda Beelaha.

Dawlada Iiraan Oo Soo Bandhigtay Dedaalo Ay Waddo Oo Lagu Joojinayo Dagaalka Dalka Suuriya.

Daawo Xisbiga Waddani Oo Si Kulul Uga Hadley Ex Wasiir Samsam Oo Ka Degtay Moqdisho.

Daawo Xisbiyada Ucid Iyo Wadani Oo Ku Dhawaaqey Gudiyo Badhintaano Ku Samaynaya Golayaasha Deegaanka Dalka.

Nuxurka Qodobo Lagaga Hadlay Shirkii Golaha Wasiirada Ee Maamulka Puntland.

Madaxweyne Biixi Oo Magacaabay Agaasimayaal, Safiiro Iyo Garsoorayaasha Maxkamada Ciidamada Somaliland.

Itoobiya Oo sii Deysay ilaa 1, 500 Maxaabiis ka Tirsanaa Ururka ONLF.

Dagaal ka Dhacay Degmada Baardheere Ee Gobolka Gedo.