Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Somaliland Oo Shaacisay Inay Samaynayso Xeerkii Hawl-gabka Iyo Mag-dhowga Shaqaalaha.



Mon 12 February 2018.

Xukuumada Somaliland ayaa shaacisey inay samaynayso xeerarkii hawl-gabka iyo mag-dhowga Shaqaalaha dawladda.waxa kaloo ay caddaysay in hawl-wadeennada dawladdu  aanay  shaqeyn karin wax ka badan siddeeda saacadood ee sharciga ah.
 
Sidaas waxa daboolka ka qaaday Guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha dawladda Mr. Sharmaake Axmed Muxumed Geelle oo waraysi siiyey Warbaahinta Dawlada, waxa kaloo uu kaga warbixiyey waraysigaas ahmiyadda laga leeyahay tiro-koobka madax-taabashada ah ee ay wadaan iyo  natiijada lagu wado inay ka soo baxday hawlgalkan.

Waraysigan oo u dhacay sidan:-

S: Waa Maxay ujeeddada laga leeyahay tirinta iyo tayaynta shaqaalaha Dawladda, muxuuse kaga duwan yahay kuwii hore ee la qaban jiray?

J: Faraq weyn baa u dhexeeya tirinta iyo tayeynta shaqaalaha, marka aynu tirinayno waxaynu ogaanaynaa imisa ayaa jooga shaqaalihii aynu diwaangashanay, kuwa inoo diwaangashanna qaarkood baa derajada loo dalacsiin doonaa, qaar baa ka caban doona inaanay shaqadu u dhaadhacsaneyn, qaarkood waxay ka caban doonaan inaanu aqoonba qiimaha uu wasaaradda ku dhex leeyahay, diwaangalinta isha bu’deeda la iska sawirayaana waxay qaranka ka saari doontaa in diwaangalin danbe la sameeyo, waayo waxaa inoo keydsami doonta xogtii shaqaalaha dawladda, markaa casriyeyna waa ay inoo dheer tahay maanta tiro uma socono ee waa aynu tayeneynaa shaqaalaha.
S: Curintiisa iyo fikirka tiro-koobka ma mid Somaliland leedahay baa mise waa mid meel kale inooga yimid?

J: Curinta hawshani waa mid sannado badan soo socotay, oo dawladdii Daahir Rayaale wax bay ka fikiraysay, madaxweynihii hore Somaliland guddi ayuu u saaray la yidhaahdo tayeynta shaqaalaha dawladda, guddida siyaasad u sameynta shaqaalaha dawladda oo aheyd guddi wasiirro ah, waxaanay ka fikireen shaqaalaha sidii aynu u horumarin lahayn, waananu qorney shaqaaluhu waxay  u baahan yihiin, waxaana loo baadi doon-tagey sidii deeq iyo deynba loogu soo heli-lahaa, ama dawladdu ha is kabto ama dawlad shisheeye ha kabaane, innaga oo waxeenu inoo dhan yahay aynu ula shir tagnay, tayeynta shaqaalaha dawladda waxa kaalin weyn  ka qaatay machadka shaqaalaha dawladda oo in badan oo shaqaalaha  ahi ka aflaxeen.
S: Shaqaaha aan haysan shahaadooyin ee difaacanaya derajadooda, ma inay shahaado jaamacadeed helaan baa khasaba mise fursado kale ayaa u bannaan?

J: Shaqaaluhu inuu kobco amase derajadiisa kor loo qaado saddex shay ayey u baahan tahay, inuu waxbartay, waxbarashadana waxa sifeeya shahaado jaamacadeed, ama shahaado dugsi sare oo A, B lagu kala galo, iyo waayo aragnimo, taasi oo keenaysa qofkii muddada dheer soo shaqeynayay in derajo sare la siiyo, waxa jira xifad-yahanno ay khibradoodu keeneyso in derajadooda kor loo qaado, Saddexda qoddob-ba way u furan yihiin , haddii uu waxbarasho dalbadana machadka hay’adda shaqaalaha ayaa u diyaar ah oo bilaash ayaa wax lagu barayaa, looguna diyaariyay waxbarasho tayo leh.

S: Shaqeeyaha habeenkii iyo shaqeeyaha maalintii ma isku xuquuq baa mise sida waddamada kale ayay kala xuquuq yihiin?

J: Saddex wasaaradood uun baa imika shaqada habeenkii iyo maalintii soo noqda oo kala ah, wakaallada  duulista, wasaaradda warfaafinta iyo wasaaradda caafimaadka, waa laga yaaba inay wasaarado kalena leeyihiin hamigaa, shaqaalahan badan ee is dul tuulan dawada aanu u haynaana waa inaanu shiftiyo [kaltan] ay shaqeeyaan aanu u qaybino, waxaana nagu waajiba in aan qofka shaqaalaha ah siddeed saacadood wax ka badan lagu shaqeysan, baadhitaankan iyo madax taabashadan ayay ku soo bixi doontaa inta wasaaradood ee galin danbe shaqeeya inay xuquuqo dheerada helaan iyo in waxyaabo lagu kabi karaa inay jiraan.

S: Waxaa jira dad dhintay oo in muddo ah u shaqeynayey dawladda, kuwaas oo si aanay caruurtii  agoonta ahaa  u darxumoobin booskoodii qof kale loo galiyo si uu ugu socdo mushaharkii shaqadana uu u qabto qofka lagu beddelay, idiinka maxaa idiinka meel yaala?

J: Faraq weyn ayaa u dhexeeya shaqada iyo in aynu agoontii ilaalino, intii la is lahaa xaafadaha qaar ilaaliya ayaa dayac badani dhacay, goobaha qaar markaad tagtid ayaad arkeysaa inaanay cidiba joogin, ee agoontii lacagtii la siiyo, miisaaniyadiina lagu buuxiyo, taasina waxay keenaysaa dayac badan, laakiin shaqadaasi in qofkii khibrada u lahaa lagu beddelaa waa khasab, tuulada maanta  qofkii kalkaaliyaha ka ahaa amase dhakhtarku ka dhintay ee aynu qarinay oo bulshadii  waydo adeegii kalkaaliyaha ama dhakhtarku hayey, maalin kasta boqolaal qof ayaa dayaca iyo beenta aynu sheegayno inagaga dhinta iyo qarsoodiga aynu xaafad kaliya oo agoon ah wax tara aynu is leenahay, markaa qofkii aanu hawsha u dirsaney haddii uu meesha joogo waa sax, haddii kalena warbixinta aanu keeno ay noqoto halkaa ma joogo qofkii aynu ku ogeyn, sidee laga yeelayaa? Dee qaran ayuu u soo shaqeeyay qoysku  ku dhex dayacmi mayso Insha Allaah oo dawladdu way ka war hayn doontaa, laakiin xogta kowaad waxa weeye inaanu caddeyno in qofkii shaqada degaankaas ka hayey inuu joogo iyo inaanu joogin.

S: Hawshan madax taabashada ee aad wadaan sidee bay shirkaduhu qandaraaska ugu heleen gaar ahaan shirkada Kenyatiga miyaa loo wayey shirkad waddaniya oo hawsheeda qabata ?

J: Shirkadani waa khuburro dawladeenu markii aynu dalbaneynay in leyna caawiyo oo aqoon iyo qalaba leynaga caawiyo, hay’adda shaqaalaha dawladu wey isku filan tahay inay wax walba qabato laakiin waxaanu u baahanahay cid nala adeegta oo waayo aragnimo nagu kordhisa si aanu u gaadhno hawlahaasi, qalabkana waxaa uu noo saamaxay inaanu indhaha iyo farahaba qaadno, warbaahinta ayaanu ku baahiney, waxaanu sheegnay inaanu u baahanahay shirkad takhasuuskeedu yahay diwaangalinta shaqaalaha dawladda, waxaana soo xareystay shirkado ku dhaw ilaa 21 shirkadood oo gudo iyo dibadba leh, shuruuda ku xidhneydna waxa ay aheyd in shirkadu ay dalka ku leedahay muwaadinin ilaa qodobo sideeda ayaanu u eegeynay markaa shirkadana waxa ay buuxisay shuruudihii aanu uga baahneyn shirkadaha.

S: Waxaa jira shaqaale sifo sharci darro ah layskaga eryo markaa Qofka shaqaalaha ahi nidaam noocee ah ayuu shaqadiisa ku waayi karaa ama lagu eryi karaa?

J: Qofka shaqaalaha ah shan qodob uun baa lagu qaadan karaa, in kaalini ay banaanato, in qofka miisaaniyad loo hayo iyo in la baahiyo oo la tartamo, in guuleystayaal la helo, in qofkii la tababaro oo indhafur loo sameeyo si uu qofku u ogaado wixii xaq loogu leeyahay iyo waxa uu xaq u leeyahay, inta badana dayaca shaqada waxa keena nidaamkii hore ee qofkan shaqaalaha ahi uu ku yimid, in qofkii la soo dacweeyo, in gudi anshax saxeexdo, in kiisaskiisi lagu lifaaqay ma shaqeystenimo wakhtiga oo uu ka habsaamo iyo inuu faro taagtaag leeyahay, intaas kadib marka laga wada fadhiisto laga soo dacweeyo hay’adda laga eryayo amase wasaaradu ma tidhaaho naga eri ee waxa ay tidhaaha fadlan hay’adda shaqaalahey waajibkaaga ka gudo, hay’adduna dib ayay u eegtaa oo waxa ay qiimeysa qofkani heerkii shaqada lagaga caydhin lahaa ma gaadhay, mise canaan iyo digniin ayaa xaq loogu leeyahay, dib ayaanu u baadhnaa markaa hadii qofkani aanu aheyn xadhka goys shaqada waanu ku celinaa, hadii kalena talaabada uu mudan yahay ayaanu ka qaadnaa, markaa shaqaalaha waxa muhiima inaanu xeerkii shaqaalaha dar-dargalino, shaqaalahana waxaan leeyahay maaha is difaac iyo dhanka xeerarka inaynu wax ka eegnee kaalaya oo wax barta oo aqoontiina korodhsada.

S: Ma jiraa magdhow ama xuquuq gaar ah oo ay leeyihiin dadka ku waxyeelaba iyagoo shaqo dawladeed gacanta ku haya?

J: Qoddobka 23aad faqradiisa 1-aad ee sharciga shaqaalaha dawladdu wuxuu xusayaa  “Badbaadada bulsho iyo magdhowga qofka shaqaalaha ahi isagoo shaqo ku jira ku dhinto, ku bukoodo ama ku dhaawacmo, xuquuda hawlgabka iyo abaal-marinta kale iyo gunnada ku noolaanshaha ee lagu talogalay shaqooyin gaar ah, waxaa loo dejinayaa xeerar u gaar ah’ waxaa halkaa ka cad in aan wali la dhammaysitirin xeerka hawlgabka iyo magdhawga oo noqon doona labada  qoddob oo aan degdeg  u samayn doono.



79 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines