Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Axmed Madoobe Oo ka Hadlay Maqaamka Muqdisho iyo Cida Hor Taagan.



Mon 12 February 2018.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ka hadlay arinta ku saansan Maqaamka Muqdisho oo waqti badan soo jiitameysay iyo xanta ku saabsan arintaas ee dadku isla dhexmaraan.

Wuxuu sheegay Maqaamka Caasimadda in mar walba meel loo jiido oo mararka qaar lagu eedeeyo inay heystaan Madasha iyo Baarlamaanka, wuxuuna tilmaamay arrintan in ay tahay mid Dastuuri ah, muhiimna ay tahay in la qeexo Maqaamka Caasimadda iyo mida Gobolka Banaadir.

Axmed Madoobe ayaa sheegay shirarkii ugu dambeeyay ee ay yeelanayeen in ay ku baaqayeen in la dadejiyo Maqaamka Caasimadda, wuxuuna sheegay in isaga uu horboodi doono dadka u doodaya Maqaamka Muqdisho, taasi bedelkeeda wuxuu dalbaday in la yareeyo in la isku xanto arrintan.

“Waxaa aad looga hadlaa Gobolka Banaadir, Caasimadda, Maqaamka, xagee laga heystaa horta ? laakiin marka wax la sheeg sheegayo waxbaa afka la isku saar saaraa, mar waxaa la yiraahdaa Madasha iyo Baarlamaanka ayaa heysta, Waxaan is leeyahay arrintaasi waa mid Dastuuri ah, dhowr jeerna waan ka hadalnay, shirarkii uga dambeeyay waxaan uga hadleynay in la dadejiyo Maqaamka, aniga ayaana horgal u noqon doona, waxaan rajeynaa arrintan in hada kadib aanan la isku xaman doonin.” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ayaa hadalkan ka sheegay xilli xalay uu magaalada Muqdisho uga qeyb galay Munaasabad casho sharaf aheyd oo Maamulka Gobolka Banaadir uu u sameeyay Madaxda Dowlad Goboleedyada oo ka qeyb galay shirka Golaha Amniga.



Views : 19



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines

Wafdigii Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka Turkiga Oo Kormeeray Saldhiga Milatari Ee Ay ka Dhiseen Muqdisho.(Sawirro)

Wasiirka Warfaafinta Oo Isku Shaan-dhayn Ku Sameeyay Waaxyaha Wasaaraddiisa.

Madaxweynaha Hirshabeele Oo la Kulmay Madaxweynaha Dalka Jabuuti.

Dawlada Somaliya Oo ka Digtay Gaadiid Waxyaabaha Qarxa Laga soo Buuxiyay Oo soo Galay Muqdisho.

Ganacsatada Muqdisho Oo soo Dhaweeyey Go’aankii Gudiyadda Baarlamaanka ku Laaleen Canshuurtii Lagu soo Rogay.(Sawiro)

Xisbiga Oromada Itoobiya Oo Guddoomiye Cusub Doortay iyo Filashada Uu Raysal Wasaare Ku Noqon Karo.

Shirka Golaha Wasiirada Somaliland Oo Laga Soo Saaray Qodobo Iyo Daraasad Ku Saabsan Isku Dhacyadda Beelaha.

Dawlada Iiraan Oo Soo Bandhigtay Dedaalo Ay Waddo Oo Lagu Joojinayo Dagaalka Dalka Suuriya.

Daawo Xisbiga Waddani Oo Si Kulul Uga Hadley Ex Wasiir Samsam Oo Ka Degtay Moqdisho.

Daawo Xisbiyada Ucid Iyo Wadani Oo Ku Dhawaaqey Gudiyo Badhintaano Ku Samaynaya Golayaasha Deegaanka Dalka.

Nuxurka Qodobo Lagaga Hadlay Shirkii Golaha Wasiirada Ee Maamulka Puntland.

Madaxweyne Biixi Oo Magacaabay Agaasimayaal, Safiiro Iyo Garsoorayaasha Maxkamada Ciidamada Somaliland.

Itoobiya Oo sii Deysay ilaa 1, 500 Maxaabiis ka Tirsanaa Ururka ONLF.

Dagaal ka Dhacay Degmada Baardheere Ee Gobolka Gedo.