Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Trump Oo Degaamaynta ay Israel ka Wado Dhulka Falastiin Ku Tilmamay Qodax Hortaagan Wadahadalada Nabada B/Dhexe.



Mon 12 February 2018.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa dawlada Israel ku canaantay hormar la'aanta la soo deristay geedisocdkii nabada bariga dhexe ee u dhaxaysay Israel iyo Falastiin, isaga oo farta ku fiiqay arinta deegaamaynta ay Israel ka sameyneyso dhulka ay haysato ay arinta wadahadalada geedi socodka nabadda ka dhigtay mid adag, isagoo ku booriyey in hannaanka ay dhawraan.

Sidoo kale, wuxuu u sheegay wargeys laga leeyahay Israel in aanu aamin saneyn in Palestinian-ta iyo Israel-ba ay dhab ka tahay oo ay diyaar u yihiin hirgelinta nabadda.

Madaxweyne Trump ayaa ka careysiiyey Palestiniyiinta bishii December ee lasoo dhaafey, ka gadaal markii uu u aqoonsadey Qudus caasimadda Israel.

Sidoo kale, wuxuu ku hanjabay inuu hakin doono gargaarka haddaaney Palestinian-ta oggolaan wada hadalada. Hadalkan u danbeeyey ee hoggaamiyaha Mareykanka ayaa yimid kadib markii wareysi uu siiyey wargeyska muxaafidka ee Yisrael Hayom oo Israel laga leeyahay la daabacey axaddii.

Boaz Bismouth, oo ah tifaftiraha wargeyska mar uu weeydiiyey waxa Mareykanka ka yeelayo wada hadalada nabadda, Trump waxa uu yiri: "Waynu la soconeynaa waxa dhaca. Haatan Palestiniyiinta uma eka kuwo diyaar u ah ka qeyb qaadashada geedi socodka nanbadda, sidoo kale Israel iyaguna ma cada mowqifkooda iyo sida ay diyaar ugu yihiin iney hannaanka nabadda ka qeyb qaataan, sidaa darted waxeynu dhawreynaa bal sida ay wax u dhacaan."

Mar wax laga weeydiiyey deegaameynta Israel waxa ay u dhibi karto qorshaha nabadda, wuxuu yiri: "Waan kala hadli doonnaa. Deegaan meynta waa wax mar waliba aad u adag, kol walbaba waxey murjiyaan geeddi socodka nabadda Bariga Dhexe, sidaa daraadeed Israel waa iney si addag uga feejignaataa arrinta deegaan meynta.

In ka badan 600 ,000 oo Yuhuuda ayaa ku nool illaa iyo 140 deegaano gaaraya, kuwaasoo la dhisay wixii ka danbeeyey 1967-dii, markii ay Israel xoog kula wareegtay Daanta Galbeed iyo Bariga Qudus. Sharciga caalamiga waxa uu u aqoonsan yahay deegaan meynta la sameeyey xiligaas wixii ka danbeeyey sharci daro, inkastoo ay Israel dood addag galiso.

Qeyb kamid ah wareysiga oo la daabacey jimcihii ina dhaafey, ayuu Mudane Trump ku sheegay in u aqoonsashada caasimadda Israel ee magaalada Qudus ay u aheyd sanadka koowaad waxyaabaha mudnaanta koowaad u leh.

"Waxey ila tahay in Qudus ay tahay arrin weyn oo muhiimaddeeda leh," ayuu yiri.

"Caasimadda, waa Quduse waa caasimad weyn, dad aad u badan ayey muhiim u tahay. Waxey aheyd yabooh aad muhiim u ah, waana ka dhabeeyey hirgalinta yaboohii aan soo gudbiyey," ayuu yiri.

Israel ayaa ku doodeysa in dhammaan magaalada ay u tahay caasimad, ha yeeshee Palestiniyiinta ayaa sidoo kale iyaguna doonaya in Bariga Qudus ay noqoto caasimaddooda, taasoo ay xoog ku qabsatey Israel dagaalkii Bariga Dhexe ee dhacey 1967-dii, iney noqoto caasimaddooda mustaqbalka ee dowladda Palestinian.

 



Views : 18



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines

Wafdigii Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka Turkiga Oo Kormeeray Saldhiga Milatari Ee Ay ka Dhiseen Muqdisho.(Sawirro)

Wasiirka Warfaafinta Oo Isku Shaan-dhayn Ku Sameeyay Waaxyaha Wasaaraddiisa.

Madaxweynaha Hirshabeele Oo la Kulmay Madaxweynaha Dalka Jabuuti.

Dawlada Somaliya Oo ka Digtay Gaadiid Waxyaabaha Qarxa Laga soo Buuxiyay Oo soo Galay Muqdisho.

Ganacsatada Muqdisho Oo soo Dhaweeyey Go’aankii Gudiyadda Baarlamaanka ku Laaleen Canshuurtii Lagu soo Rogay.(Sawiro)

Xisbiga Oromada Itoobiya Oo Guddoomiye Cusub Doortay iyo Filashada Uu Raysal Wasaare Ku Noqon Karo.

Shirka Golaha Wasiirada Somaliland Oo Laga Soo Saaray Qodobo Iyo Daraasad Ku Saabsan Isku Dhacyadda Beelaha.

Dawlada Iiraan Oo Soo Bandhigtay Dedaalo Ay Waddo Oo Lagu Joojinayo Dagaalka Dalka Suuriya.

Daawo Xisbiga Waddani Oo Si Kulul Uga Hadley Ex Wasiir Samsam Oo Ka Degtay Moqdisho.

Daawo Xisbiyada Ucid Iyo Wadani Oo Ku Dhawaaqey Gudiyo Badhintaano Ku Samaynaya Golayaasha Deegaanka Dalka.

Nuxurka Qodobo Lagaga Hadlay Shirkii Golaha Wasiirada Ee Maamulka Puntland.

Madaxweyne Biixi Oo Magacaabay Agaasimayaal, Safiiro Iyo Garsoorayaasha Maxkamada Ciidamada Somaliland.

Itoobiya Oo sii Deysay ilaa 1, 500 Maxaabiis ka Tirsanaa Ururka ONLF.

Dagaal ka Dhacay Degmada Baardheere Ee Gobolka Gedo.