Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Meydadka Dagaalamayaal ka Tirsan Al-Shabaab Oo Lagu Arkay Gobolka Wajer.



Mon 12 February 2018.

Booliska Kenya ayaa sheegay inay heleen meydadka saddex dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaasoo lagu dilay dagaal ka dhacay Saldhig Boolis oo ku yaalla deegaanka Katulo ee Gobolka Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari.

Dagaalamayaashan ayaa ka mid ahaa kooxdii weerartay saldhiga, waxaana booliska ay sheegeen in lagu dilay dagaal socday muddo labo saacadood

Taliyaha Booliska Gobolka Wajeer Stepehen Ngeitich ayaa sheegay inay jiraan dagaalamayaal kale oo u baxsaday dhanka keymaha.

Ciidamo fara badan oo kenyan ah ayaa la geeyay dhinaca xuduuda Kenya iyo Soomaaliya, si ay u baadigoobaan kooxdii ka tirsaneyd Al-Shabaab ee weerartay Saldhiga Booliska.

Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay weeraro ka geysanayay gudaha Kenya, gaar ahaan deegaanada xadka u dhow.



131 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines