Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Milateriga Masar Oo Sheegtay Inay Dileen 16 ka Tirsan Dagaalyahanada Islaamiga Ee Dalkaasi.



Sun 11 February 2018.

Milateriga alka Masar ayaa sheegay inay dileen 16 kamid ah dagaalamayaasha Islaamiyiinta ee ka dagaalama dalkaasi, tan iyo markii gacanka Sinai ay ka bilaabeen howgal ballaran oo ka dhan ah kooxahaasi.

War qoraal ah oo ka soo baxay milateriga Masar ayaa sidookale lagu sheegay in milateriga ay burburiyeen dhowr iyo toban goobood iyo gawaari ay lahayeen kooxahaasi, iyagoo xabsigana dhigay soddon qof oo looga shakiyaya inay ka tirsanaayeen kooxxahaasi Masar ka dagaalama.

Madaxweynaha Masar, Abdel Fattax al-Sisi ayaa milateriga Masar ku amray in muddo saddex bilood gudahood ay kaga adkadaan dagaalamayaasha Islaamiyiinta, kadib markii kooxahaasi ay bishii Novembar ee sannadkii hore ay weerareen Masjid ku yaala Masar, halkaa oo ay ku dileen inkabadan saddex boqol oo qof.

Sioo kale Afhayeen u hadlay milateriga Masar ayaa horay u sheegay in howgalkani lagu ballaarin doono ilaa iyo dhulka saxaraha ee Masar.



78 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines