Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Tuugo Quraafaad Aaminsan Oo Maydad Kala Baxday Qabuuro Ku Yaala Dalka Zambia.



Wed 31 January 2018.

Koox tuugo ah ayaa qodatay qabuuro ku yaala dalka Zambia, halkaas oo ay kala baxeen meydkii iyo naxashkii lala duugay.

Wargeyska Times of Zambia ayaa qorey in qabuuraha la qotay ay ku aasnaayeen dadka Albino loo yaqaano ee jirkooda uu ka maqanyahay maadada midabka u yeela, waxaana loo malaynayaa in loo xaday meydka sababo la xiriira quraafaad ay dadka qaar aaminsanyihiin.

Waxaa la aaminsanyahay in xubnaha qaar oo dadka Albino ah ay dawo u yihiin cuduro, ama waxaaba loo isticmaalaa arrimo la xiriira sixirka.

Ehalada meydka ayaa ogaaday in qabriga la qodey, waxayna wargaliyeen booliiska oo ogaaday in meydkii iyo naxashkii lala aasayba uu maqanyahay.

Waxa ay booliiska sheegeen in qofka lala baxay la aasay sanadkii 2016-kii, waxayna ku raad joogaan dadkii falkaas ka dambeeyay.

Dalalka qaar oo Afrika ka tirsan ayaa la ugaarsadaa dadka Albino ah, kuwaas oo qaar badan oo ka mid ah la dilay.



Views : 72



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines

Wafdigii Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka Turkiga Oo Kormeeray Saldhiga Milatari Ee Ay ka Dhiseen Muqdisho.(Sawirro)

Wasiirka Warfaafinta Oo Isku Shaan-dhayn Ku Sameeyay Waaxyaha Wasaaraddiisa.

Madaxweynaha Hirshabeele Oo la Kulmay Madaxweynaha Dalka Jabuuti.

Dawlada Somaliya Oo ka Digtay Gaadiid Waxyaabaha Qarxa Laga soo Buuxiyay Oo soo Galay Muqdisho.

Ganacsatada Muqdisho Oo soo Dhaweeyey Go’aankii Gudiyadda Baarlamaanka ku Laaleen Canshuurtii Lagu soo Rogay.(Sawiro)

Xisbiga Oromada Itoobiya Oo Guddoomiye Cusub Doortay iyo Filashada Uu Raysal Wasaare Ku Noqon Karo.

Shirka Golaha Wasiirada Somaliland Oo Laga Soo Saaray Qodobo Iyo Daraasad Ku Saabsan Isku Dhacyadda Beelaha.

Dawlada Iiraan Oo Soo Bandhigtay Dedaalo Ay Waddo Oo Lagu Joojinayo Dagaalka Dalka Suuriya.

Daawo Xisbiga Waddani Oo Si Kulul Uga Hadley Ex Wasiir Samsam Oo Ka Degtay Moqdisho.

Daawo Xisbiyada Ucid Iyo Wadani Oo Ku Dhawaaqey Gudiyo Badhintaano Ku Samaynaya Golayaasha Deegaanka Dalka.

Nuxurka Qodobo Lagaga Hadlay Shirkii Golaha Wasiirada Ee Maamulka Puntland.

Madaxweyne Biixi Oo Magacaabay Agaasimayaal, Safiiro Iyo Garsoorayaasha Maxkamada Ciidamada Somaliland.

Itoobiya Oo sii Deysay ilaa 1, 500 Maxaabiis ka Tirsanaa Ururka ONLF.

Dagaal ka Dhacay Degmada Baardheere Ee Gobolka Gedo.