Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Madaxweyne Ku Xigeenka Saylici Oo Mashaariic Ka Dhagax Dhigay Deegaanka Tukaraq.(Sawiro)



Mon 22 January 2018.

Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wefti oo hoggaaminayo ayaa kulan la qaatay Odayaasha iyo Waxgaradka deegaanka Tuka-raq oo ka tirsan gobolka Sool,kuwaas oo wadiga madaxwayne Saylici uga waramay baahiyaha kala duwan ee ka jira deegaanka Tuka-raq oo aanay hore u gaadhin dawladnimada Somaliland.

Caaqil Faysal Muuse Diiriye, Caaqil Cabdirashiid Cabdi Aabbe iyo Caaqil Maxamud Axmed Ducaale (Wilyan) oo ka mid ah odayaasha deegaankaasi ayaa ku dheeraaday baahiyaha deegaanka Tuka-raq iyo Xaaladda deegaanka guud ahaanba.

Odayaasha deegaankani ayaa maamulkii hore ee Puntland ku eedeeyay kuwo aan waxba kusoo celin cashuuraha ka soo xerooda Kastamka Tuka-raq balse waxa ay sheegeen in lacagtaasi lagu dhisi jiray magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Wasiirka Wasaaradda horumarinta khayraad biyaha Saleebaan Cali Koore ayaa si wadajir ah u balanqaaday inay Xukumadda Somaliland wax ka qaban doonto baahiyaha isbiirsaday ee degmada Tuka-raq.

Madaxweyne Ku xigeenka ayaa isna balanqaaday in dayactir lagu sameyn doonno dugsiga deegaanka Tuka-raq loonna dhisi doonno goob caafimaad oo MCH ah, taasi oo ay yeelan doonto magaaladda Tuka-raq waxaannu yidhi “ Waxaa aan balan qaadaynaa in MCH-gan la weyneeyo oo qaybtii dhalaanka iyo umulaha lagu kordhiyo, Waxaannu kale oo aanu u sidnaa dawooyin ay noogu deeqday hay’adda ARC oo runtii gobolka sool wax badan nalaga qabatay ”.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici ayaa daawooyin loogu talo galay ka hor taga shubanka iyo daawooyin kale ku wareejiyay maamulka caafimaadka ee deegaanka Tuka-raq kuwaasi oo ay ku deeqday hay’adda ARC.

Gebagebaddii Kormeerka Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa dhagax dhigay mashaariic horumarineed kuwaasi oo ay ka mid yihiin MCH-ka Tuka-raq iyo dayactir lagu samayn doonno dugsiga hoose ee deegaanka tuka-raq.



215 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines