Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Madaxweynaha Cusub Ee Liberia George Weah Oo Maanta la Dhaarinayo.



Mon 22 January 2018.

Laacibkii hore ee kubadda cagta George Weah ayaa maanta loo dhaarinayaa xilka madaxtinimada ee dalka Liberia kadib markii uu ku guuleystay doorashadii madaxtinimo ee dalkaas.

George ayaa u soo ciyaaray kooxaha Ac Milan, Chelsea iyo kooxo kale waxa uuna noqday afrikaanka kali ah ee ku guuleystay abaalmarinta Ballon.

Waxa uu badalayaa Ellen Johnson oo ah madaxweynihii ugu horeysay ee dumar ah oo qaaradda Afrika laga soo doorto.

Ciyaaryahanada Afrika ee caanka ku ah kubadda cagta ayaa ka soo qeyb galaaya xafladda dhaarinta, waxaana ka mid ah Didier Drogba iyo Samuel Eto.

Kumanaan Liberiyaan ah ayaa iskugu yimid garoonka ay dhaarintu ka dhaceeyso.

Mr Weah caqabada ugu weyn ee hortaagan ayaa ah in uu sare u qaado dhaqaalaha dalkaasi.



149 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines