Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Ciidamada Militariga Turkiga Oo Awood kula Wareegay Dhawr Tuulo ku yaalla Gobolka Kurdiyiinta Suuriya



Mon 22 January 2018.

Ciidamada Turkiga ayaa qabsaday dhowr tuulo oo ku yaalla Wuqooyiga Suuriya, sida ay ku warrantay warbaahinta dalka Turkiga.

Turkiga ayaa maalinkii saddexaad waxay wadaan duullaan ka dhan ah maleeshiyaadka Kurdiyiinta .

Ciidamadda Turkiga oo ay weheliyaan mucaaradka Suuriya ee ay iskaashiga leeyihiin ayaa la sheegay in ay la wareegeen maanta dhowr goob oo ka tirsan gobolka Afrin.

Dowladda Turkiga ayaa u aragta maleeshiyaadka Kuridiyiinta ee YPG koox argagixiso ah.

Maleshiyaadka YPG, oo gacanta ku haya inta badan wuqooyi bari Suuriya ayay Turkiga u arkaan in ay yihiin jabhadda PKK oo la sii balaariyay .

Kooxda YPG waxay beeniyeen in ay xiriir toos ah la leeyihiin PKK,waxa ayna maleeshiyaadkan qayb muhim ah ka yihiin dagaalka ka dhanka ah (IS).

Xukuumadda Ankara ayaa cambaareysay in Mareykanka ay taageeraay maleeshiyaadka YPG.



144 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines