Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Ciidamo ka wada Tirsan Dowladda Oo ku Dagaalamay Suuqa Kaaran Ee Muqdisho.



Mon 22 January 2018.

Ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya ayaa maanta ku dagaalamay Suuqa degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Dadka ku ganacsada suuqa ayaa sheegaya in ciidamadan oo ku labisnaa dharka ciidamada ayaa isku rasaaseeyay gudaha Suuqa Kaaraan.

Inta la og yahay qof dumar ah oo ka mid ah dadka ganacsiga ku leh Suuqa degmada Kaaraan ayaa ku geeriyootay.

Ciidamadii ku dagaalamay goobta ayaa markii dambe ka kala tagay, iyadoo aanay cidna dhex gelin.

Wararka ayaa intaa ku daraya in ciidamo ka tirsan Nabadsugida iyo Booliska ay gaareen goobta iska hor imaadka ka dhacay.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa isa soo tarayay iska hor imaadyada dhex mara Ciidamo ka tirsan dowladda, waxaana shalay ay ugu dambeysay degmada Howl wadaag isku rasaaseeyay labo ciidan.

Kala shakiga iyo muranada dhex mara ciidamada kala duwan ee dowladda ayaa sababa dagaalada dhex mara, mana jirto illaa iyo hada xal laga gaaray.



125 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines