Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Tilmaan iyo Toosin.Qore Cabdullaahi Maxamed Cumar



Sat 20 January 2018.

Nabad akhristayaasha sharafta lahoow. Bariidaasi kaddib, waxaynu haddii Eebbe idmo wax yar diiradda saari doonnaa - si aynnu u axadhno; shirkii jaraa'id ee uu shalay qabtay mudane madaxweyne, Muuse Biixi Cabdi.

Waxaynnu isweydiin doonnaa - haddii Ilaahay idmo - maxay madashaasi dhaliil lahayd oo u baahan dhalanrogid ama ay dheef u lahayd madaxweynaha iyo xukuumaddiisaba?!

 

Haddii aynnu ku horraynno dhinaca dheefta iyo dhaqanka wanaagsan ee ay lahayd, waxaynnu u soo koobi karnaa sida tan:

 

 

  • Runta marka la sheego, warsaxaafadeedkii uu shalay madaxweynu qabtay; wuxu aad iyo itaal uga duwanaa, kuwii hore ee madaxtooyada Somaliland qaban jirtey! Waayo, waxa meesha ka baxay; ninkii macalqabadka ama dillaalka ahaan jirey ee ku kala dhex jiri jirey madaxweynaha iyo saxaafadda. Ninkaasi oo ahaan jirey: afhayeenka madaxweynaha, wasiir ama nacamle kale!

 

  • Waxa iyana xiisaheeda lahayd, muddada uu madaxweynu siiyey su'aalaha suxufiyiinta iyo jawaabaha uu bixinayey oo waafi ahaa.
  • Madaxweynaha oo madashaasi kaga jawaabey, xan iyo xamxam beryahanba la isla dhex marayey oo ku saabsanayd: xidhiidhka xukuumaddiisa iyo saxaafadda waddaniga ah, xidhiidh xisbiyada iyo xukuumaddiisa ka dhexeeya iyo tollaayayda iyo tawaawaca odayaasha fasaqmay.

Markaasi waxaynnu odhan karnaa, shalay madaxweynuhu dhawr shimbirood ayuu hal shiish ku wada diley!

Haddii aynnu dhugano dhinaca dhalliilaha ay madashu lahayd ee u baahan in dhayo, waxa ka mid ahaa:

 

 

 

  • Madasha oo ahayd meel furan oo bannaan ah oo aan kursi iyo fadhi toona lahayn oo u ekayd, dheh oo ka dhaqaaq
  • Weriyayaasha oo aan intooda badani makarafoonno adeegsan markii ay madaxweynaha su'aalaha weydiinayeen oo aad su'aalaha qaarkood ka fahmeysey oo qudha jawaabta uu madaxweynuhu bixiyey
  • Madasha oo ay su'aaluhu ahaayeen hororsi iyo inta aad dhawaaqi kartid! Arrintaasina, waa ta haweenkii su'aaha ka qadisay - haddii ay goobtaba joogeen?
  • Weydiimaha weriyaasha qaarkood oo saluug lahaa
  • Waxa isaguna aad u liitey, habka habmaamuuska ee madasha oo waxyaabo badani ka dhinaayeen!


Guud ahaan marka la isku soo xooriyo, dhawr tallaabo hore ayaa loo qaaday oo waxa meesha ka baxay; madaxweynihii uu macalqabadku kaga gudbanaa saxaafadda iyo kala xigteysigii weriyayaasha ee aan qaarkood looba ogolaan jirin goobta ama la is dhegomarin jirey su'aalahooda.

 

 

Haddii aynnu soo gunaanadno, madaxtooyadu waxay u baahan tahay: in ay yeelato - hadday leedahayna   la hawlgeliyo - qolweyne (conference hall) lagu qabto: warsaxaafadeedyada dawladda iyo wixii kale ee muhiim ah iyo in baratakoolka madaxweynaha ee fagaarayaasha wax weyn laga bedelo.

 

Alle ayay Mahad oo dhammi u sugnaatay, adiguna akhriste mudnaan baad leedahay.

 

Cabdullaahi Maxamed Cumar

 

Email: timacadde56@hotmail.com

 

 


261 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines