Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Koofurta Gaalkacyo Oo Si weyn Loogu soo Dhaweeyay Madaxweyne Farmaajo.(Sawiro)



Sun 14 January 2018.

Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee Galmudug ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay u hoyday waqooyiga Gaalkacayo ee dhinaca maamilka Puntland.

Soo dhaweynta Madaxweynaha ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug sida Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle, Wasiiro, iyo Xildhibaano iyo dadweyne faro badan.

Dadwayne aad u tiro badan oo lulayay calanka somaliya ayaa iskugu soo baxay wadooyinka koonfurta Magaalada Gaalkacayo, kadib markii uu Madaxweyne Farmaajo soo gabagabeeyay booqashadii uu ku joogay maalmihii la soo dhaafay dowlad goboleedka Puntland,waxaana booqasho uga bilaabatay maanta deegaanada dowlad goboleedka Galmudug.

Wafdiga uu horkacayo Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa inay maalmaha soo socda booqdaan magaalooyin ka tirsan Galmudug,iyada oo ammaanka guud ahaan maamul goboleedka Galmudug aad loo adkeeyay.



114 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines