Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Ciidamo ka Socdo AMISOM Oo Tagaya Magaalada Dhuusomareeb.



Sun 14 January 2018.

Magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta gobolka Gal-guduud oo maalmaha soo socda la filayo in uu gaaro madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in la geeyo ciidamo ka socda howlgalka midowga Africa AMISOM.

Ciidamada ayaa waxay xaqiijin doonaan amaanka magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud, oo la filayo inay tagaan wafdiga uu hogaaminayo madaxweynaha dowladda Soomaaliya.

Walow aanan la ogeyn dalka ay ka socdaan ciidamada ayaa haddana waxaa la filayaa inay maanta gaaraan magaalada Dhuusomareeb, kadibna ay xaqiijiyaan amaanka hareeraha magaalada Dhuusomareeb.

Cabdisamad Macalin Maxamuud oo kamid ah masuuliyiinta wada qaban qaabada safarka madaxweynaha ee magaalada Dhuusomareeb ayaa xaqiijiyay in ciidamada ay yihiin kuwo ka qeyb qaadan doono amaanka magaalada.

“Waa la rajeynayaa in ciidamo ka socdo AMISOM ay yimaadaan halkaan si ay ula dagaalamaan Al Shabaab, waxay tagaan haraaraha magaalada si amaanka loo xaqiijiyo”ayuu yiri Cabdisamad.

Madaxweyne Farmaajo oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa la filayaa inuu usii gudbaa magaalooyinka Cadaado, Guriceel, Caabudwaaq iyo magaalada Dhuusomareeb.



86 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines