Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Guddoomiye Taabid Oo Shaaciyay Waqtiga la Qabanayo Shirka Wadatashiga Muqdisho.



Sat 13 January 2018.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa ku dhawaaqay in 28 bishaan Muqdisho lagu qabanayo Shir weynaha Wadatashiga Nabadeynta iyo hormarinta gobolka Banaadir oo 7 bishaan u baaqday howl

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa ku dhawaaqay in 28 bishaan Muqdisho lagu qabanayo Shir weynaha Wadatashiga Nabadeynta iyo hormarinta gobolka Banaadir oo 7 bishaan u baaqday howlo Farsamo.

Guddoomiye Taabid ayaa sheegay in Shirkaan uu muhiim u yahay bulshadda degan gobolka Banaadir.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in Shirkaan ay kasoo qeyb gali doonaan qeybaha kala duwan ee Bulshadda.

“Shirkii dib nooga dhacay ee Wadatashiga Nabadeynta iyo Horumarinta Gobolka Banaadir, waxaa uu dhici doonaa 28-ka bisha Janaayo”ayuu yiri Guddoomiye Taabid oo ka hadlayay munaasabada uu xariga ugu jarayay wado loogu magac daray Jen. Kaahiye oo isku xirta Garoonka Diyaaradaha iyo Dugsiga Tababarka Jen. Kaahiye.

Shirka Wadatashiga Nabadgelyada iyo Horumarka Muqdisho ayaa la baajiyay, waxaana baaqashadiisa ka soo baxayeen warar kala duwan sida khilaaf u dhaxeeyay Guddoomiyaha Gobolka iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Shirkaan ayaa lagu wadday todobaadii Bishaan in uu ka furmo Muqdisho, laakiin waxaa uu baaqday Markii Madaxweyne Farmaajo uu safar ku aaday qaar ka mid ah gobolada dalka.

Guddoomiye Taabid ayaa sheegay in Shirkaan uu muhiim u yahay bulshadda degan gobolka Banaadir.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in Shirkaan ay kasoo qeyb gali doonaan qeybaha kala duwan ee Bulshadda.

Shirkaan ayaa lagu wadday todobaadii Bishaan in uu ka furmo Muqdisho, laakiin waxaa uu baaqday Markii Madaxweyne Farmaajo uu safar ku aaday qaar ka mid ah gobolada dalka.



Views : 22



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines