Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Qarax ka Dhax dhacay Gudaha Guri ku Yaalla Magaalada Muqdisho.



Fri 12 January 2018.

Qarax ka dhex dhacay Guri ku yaalla degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho ayaa siweyn looga maqlay inta badan xaafaddaha degmada Kaaraan.

Ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya oo wata gaadiidka dagaalka ayaa soo gaaray guriga uu ka dhax dhacay qaraxa, waxaana ay halkaasi kala baxeen nin ku sugnaa guriga, oo looga shakisan yahay in qorshahan uu watay.

Sidoo kale hay’adaha ammaanka ayaa la wareegay guriga qaraxa uu ka dhacay, ilaa laga soo saarayo baaritaanada ugu dambeeya, ee la xiriira qaraxan iyo cida ka dambeysay.

Ilaa hadda si dhab ah looma oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay Qaraxan, oo dadka degaanka xalay ku abuuray cabsi iyo dareen feejignaan ah.

Ma ahan qaraxii koowaad ee ka dhacay guri dhexdiisa waxaan xusid mudan in 25-kii October 2017 inta u dhaxeysa xaafada Buurta Diikow iyo Masjidka Irshaad ee degmada Kaaraan xilli habeen ah waxaa ka dhacay Qarax guri lagu diyaarinayay, hal qof ayaa ku dhintay qof kalena wuu ku dhaawacmay.



76 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines