Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Mukhtaar Roobow Oo Galabta Gaadhay Magaalada Kismaayo.



Wed 13 December 2017.

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ayaa galabta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada Hoose, halkaasoo lagu soo dhoweeyay.

Waxaa garoonka diyaaradaha Kismaayo ku soo dhoweeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Jubbaland Maxamed Warsame Darwiish iyo xubno ka tirsan Maamulka Jubbaland, waxaana garoonka diyaaradaha lagaga galbiyay gawaarida aan xabadaha karin, iyadoo ammaankiisa si aad loo ilaalinayay.

Ujeedka Socdaalka Roobow ee Kismaayo ayaa lagu sheegay inuu la xiriiro wadatashi uu la qaadanayo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo ay xilli ka wada tirsanaan jireen AlShabaab, laguna tilmaamo inay ka mid ahaayeen xubnihii aas aasay Al-Shabaab.

Mukhtaar Roobow ayaa waxaa safarkiisa ku wehliya Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga C/rashiid C/llaahi oo ahaa ninkii Xudur ka keenay bishii August ee geeyay Muqdisho.

Abuu Mansuur ayaa kulan uu dhowaan kula qaatay Baydhabo wariyeyaasha waxaa uu ka dalbaday in aanay ugu yeerin inuu isku dhiibay dowladda Soomaaliya, balse uu wada hadal kula jiro.

Mukhtaar Roobow oo horay uga baxay AlShabaab ayaa la sheegayaa inuu doonayo inuu dagaal la galo Shabaabka, waxaana uu ciidamo ka abaabulaya deegaanada uu ka soo jeedo.

 



Views : 33



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines