Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Shirka Wadamada Islaamka Ee Looga hadlayo Arrinta Qudus Oo ka Furmay Istanbul,(Sawiro)



Wed 13 December 2017.

Shir deg-deg ah ayaa goordhow magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga waxa uu ugaga furmay dalalka Islaamka iyadoo shirkana looga hadlayo go’aankii Donald Trump uu caasimada Israa’iil ugu aqoonsaday magaalada barakeysan ee Qudus.

Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalaya madaxda 16 dal oo uu ka mid yahay Madaxweynaha dalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo wakiilo ka socda qaar ka mid ah wadamada Islaamka.

Khudbada furitaanka ayaa waxaa ka jeedinaya Madaxweyne Turkiga Erdugan oo shir guddoominaya kulanka,waxana uu ugu baaqay Mareykanka inuu ka laabto go’aanka uu Qudus ugu aqoonsaday Caasimada Israa’iil, wuxuuna ugu yeeray Dowladaha iyo Hay’addaha Difaaca Xuquuqda Aadanaha inay caasimada Falastiin u aqoonsadaan inay tahay Qudus.

Sidoo kale waxaa la filayaa in shirka uu khudbad ka tarjumeyso qadiyada Falastiin inuu ka jeediyo Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas Abuu Maasin.

Falastiiniyiinta ayaa ka dalbanaya Dowladaha Islaamka in Shirkooda Istanbul ee maanta ay xiriirka ugu jaraan Maamulka Israa’iil ee heysta dhulalka reer Falastiin.

Carro adag oo dunida Muslimka ah ayaa ka dhashay qaraarkii Madaxweynaha Mareykanka uu ku sheegay in Qudus ay tahay Caasimada Israa’iil.



Views : 103



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines