Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Diyaarado Duqeyn ka Geystey Deegaan ka Tirsan Gobolka Shabelaha Hoose.



Wed 06 December 2017.

Diyaarado dagaal ayaa duqeyn ka geystey tuulo dhinaca Koofureed ka xigta magaalada Muqdisho waxaana duqeyntan lala beegsaday saldhig ay Al-Shabaab ku lahaayeen halkaas.

Duqeyn ay geysteen diyaarado aan la aqoon halka laga leeyahay ayaan la aqoon khasaaraha ka dhashay.

Ma jirto cid sheegatay duqeyntan inay ka dambeeyeen hase ahaatee dowlada Maraykanka ayaa kordhisay duqeyntii ay ka geysanayeen dalka Soomaaliya.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Sh/hoose Cali Nuur ayaa u sheegay Reuters in duqeyntan lala beegsaday gaari ay saarnaayen saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo marayay meel ku dhow deegaanka Ilimey oo ka tirsan gobolka Sh/hoose.

Hase yeeshee Afhayeenka ciidamada Al-shabaab ayaa beeniyay in la duqeeyay gaari ay lahaayeen Al-Shabaab balse waxa uu sheegay in goob lagu ganacsado ay gantaalo ku dhaceen ayna ku dhinteen illaa 7 ruux oo rayid ah qaar kalana ay ku dhaawacmeen.



Views : 30



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines