Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Warar-dheeraad ah Oo Laga Helay Gaadhigii Uu Mayar Maydhanaha Boorama Musuq-maasuqay.(Sawiro)



Wed 06 December 2017.

Waxa jira warar dheeraad ah oo laga helayo Gaadhigii uu sida sharci darada ah u iibsaday Mayarka Degmada Borama Md Maxamed Xuseen Maydhane, xogahaas oo daaha ka faydaya marxaladihii uu maray babauurkaasi suuqa madow lagu xaraashay waqtiga kala guurka ahaa, waxana ay shabakadu heshay sawiro muujinaya taarikooyinka kala duwan ee baabuurkaasi lagu dhajiyay.

Sawirka koowaad ayaa muujinaya in baabuurkan uu gacanta Mayarka soo galay isaga oo leh lanbarkii shacabka ee uu badhasaab shine ku soo iibiyay, islamarkaasina nasiibdaraduse waxa ay noqotay in lambarkaasi aanan loo dayn baabuurkaas balse laga tuuray maalmo ka dib markii uu ku dhacay gacanta dawlada.

Sidoo kale Sawirka labaad ayaa muujinaya baabuurka oo maayar maydhanaha ku sifoobay musuqmaasuqu uu iibsaday oo lagu diiwaan galay taarikada baabuur qalfoofkiisu dhexyaalo dawlada hoose ee Boorama oo ah lambar dawladeed lahaa.

Xaqiiqooyinkan ayaa muujinaya in aan indhaha la iska qaban Karin muqsuq maasuqa jira, ee salka ku haya in laba baabuur ee taarikada loo kala furay la damacsan yahay in mid ka mid ah la lunsado, iyada oo ay u badan tahay in la lunsado baabuurka yaala gudaha D/hoose ee taarikada laga furtay.

Sidoo kale baabuurka la musuqay ee Land Cruserka ah ee maayar Muqsuq uu ka tamashleeyo ayaa isaguna ay cadahay in musuq badan uu ku jiro qaabka loo maray iibkiisa waqtigan kala wareega ah, waxana hubaal ah in lambarka lagu diiwaan galiyay uu ku tusayo in laga dhigay mid sii jiray oo ay dawlada hoose lahayd, halka lacagta lagu iibsadayna ay ku dhacday gacan kale oo iyaduna musuq huwan.

Si kastaba ah ahaatee Maayar Musuqa Boorama ayaa 1 dhagax ku wada dilay 2 shimbrood, waxa uu iibinayaa baabuur dawlada hoose ay lahayd oo uu ku xidhay lamabar shicib, sidoo kalena waxa uu suuq madoow ku iibsaday baabuur aan diiwaanka dawlada hoose gaadiidkeeda ku jirin oo lagu dhajiyay lambarka baabuur kale oo hore loo diiwana galiyay.
Yeelkeeda waxa xusid mudan in waxaas uu musuq, wax is daba marin iyo xatooyo xoolo-dawladeed ah ay dhacayaan waqti ay xukuumadu ku jirto mudo kala guur ah.

    



Views : 40



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines