Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Boqor Salmaan-ka Sucudiga Oo Trump Uga Digay Cawaa-qib Xumo ka Dhalan karta In Safaarada US Loosoo Raro Qudus.



Tue 05 December 2017.

Aqalka cad ee looga arrimiyo Mareykanka ayaa xaqiijiyay in madaxweyne Trump uu ka hadli doono Arbacada go'aankiisa ku aadan in safaarada Mareykanka ee Israil loo raro Qudus iyada oo ay soo wajaheyso dhaleeceyn caalami ah oo sii kordheyso.

Afhayeenka aqalka cad ayaa sheegtay in madaxweyne Trump Uu aad ugu adkaa fikirkiisa arrintaan ku saabsan.

Tiro hoggaamiyeyaasha Carabta ah ayaa dhammaan madaxweyne Trump uga digay si toos ah wax ay u arkaan cawaaqib xummo ka dhalata tallaabadan.

Boqor Salmaan-ka Sucudi Carabiya ayaa u sheegay Trump in tallaaba noocaan ah o la qaado ka hor inta aan laga gaarin heshiis nabadeed oo kama dambeys ah arrintaan ay dhalin karto falcelin ka timaada muslimiinta.



Views : 36



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines