Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Wiilka Uu Dhalay Madaxweynihii la Dilay Ee Yemen Oo ku Dhawaaqay Dagaal Aargosi Oo ka Dhan ah Xuutiyiinta.



Tue 05 December 2017.

Wiilka Madaxweynihii Shalay Jabhada Xuutiyiinta dileen ee Yemen Axmed Cali Cabdalla Saalxa ayaa ka hadlay dilka aabihii asagoo si kulul u eeraray Dowlada Iran.

Axmed Cali Cabdalla oo ku sugan Dalka Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in dhiigga aabihii Cali Cabdalla Saalax uusan ahayn mid sidaas ku dhamaaday islamarkaana dagaalka Yemen uu hadda billow yahay.

Axmed oo 2012kii Xabsi Guri ku ahaa Dalka Imaaraadka ayaa wareysi siiyay TV laga leeyahay Sucuudiga waxaana uu sheegay in kuleylka dhiigga aabihii lagu shubi doono dhegaha Iraan isda uu hadalka u dhigay.

“Dagaalka ka dhanka ah Xuutiyiinta iyo Iraan waa billow,qofkasta oo Yemeni ah waxaan ugu baaqayaa in uu dalka Yemen dib ugu laabto,hubkana qaato,waxaan dagaalka wadi doonnaa ilaa midka ugu dambeeya ee Xuutiga ah uu ka baxo Yemen”,ayuu yiri Axmed intii uu wareysiga bixinayay.

Axmed waxaa uu horay u soo noqday Taliyaha Ciidanka Jamhuuriyadda Yemen,sidoo kale danjiraha Yemen ee Imaaraadka,waxaase xabsi guri laga dhigay markii Aabbihii iyo xulfada Sucuudiga ee IMaaraadka ka mid yahay isku dhaceen sanadkii 2012kii Calina xilka laga tuuray.

Shalay markii uu soo baxay dilka Cali waxaa laga dabaal degay magaalada Koofurta ku taalla ee Cadan,iyada oo Reer Koofurku ay Cali Cabdalla Saalax ku necbaayeen mideyntii labada Yemen ee Koofurta iyo Waqooyiga sagaashamaadkii,waxaana uu xoog iskugu hayay labada dhinac.

Hoggaamiyaha Kooxda Xuutiyiinta C/Maalik al Xuuti oo ka hadlay geerida Cali Cabdalla Saalax ayaa sheegay in guul ay u soo hoyatay Jamhuuriyadda Yemen,waxaana uu ballan qaaday in kooxdiisa ay ku adkeysan doonto midnimada dalka Yemen.



Views : 30



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines