Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Sulaymanka Jaamacada Camuud Ma Hogaamiye Beeleedbaa?



Sat 02 December 2017.

Waxyaabaha aadka aad ula yaabayso ee ka dhacaya Somaliland waxa ka mid ah in ragii aqoonyahanka ahaa ee la filayay in ay umadan u jiheeyaan oo ay tusaalayaal wanaagsan u noqdaan oo sidii beeldaajiyayaasha  qabiilada ay u fekerayaan isla markaana  isku haystaan rag siyaasiyiin ah. Gudoomiyaha jaamacad CamuudSaleebaan Axmed Guleed wax uu ka midyahay raga ku sifoobay cunsuriyada iyo qabiilnimada ee had iyo jeer umada gobolka Awdal kunool kalasoocsooca iyo iska horkeenka ka dhexwada  Waxa uu mudaba abaabulayy shirar beeleedyo qarsoon oo uu beeshiisa kulajiray kuwaasi oo intooda badani ay ahaayeen nuxurkoodu sidii kacdoon ugu samayn lahaayeen siyaasada gobolka Awdal ee uu hormoodka ka yahay Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici.

Tusaale ahaan wasiirada maaliyada Somaliland ayaa dhawaan  xilkaqaadis kusamaysay labanin oo wasaaradaasi katirsan  kuwaasi oo mid uu ahaa madax kastamka Borama kakalana uu yahay isuduwaha wasaaradaasi ee gobolka Awdal,. Ragaasi oo ka soo jeeda beesha Makaahiil. Arintaasi awgeed waxa pro, Sulaymaan Axmed guuleed iyo Cabdiraxmaan Tolwaa  ay dacwad ka dhan ah Madaxweyneku xigeenka Somalilan ula tegeen Wasiir Samasam. Ilowaredyo goobjoog ahaa ayaa tibaaxaya in ay ka dalbeen in xilka lagu soo celiyo iyaga oo sheegay in Saylici uu beeshooda ka aar goosanayo, nasiib daro se wasiirada oo xaqiiqada og waxa ragaasi looga qaaday ayaa u sheegtay in  uusan Saylici waxa kala socon arinta balse iyadu ay bedeshay  una sheegtay in madax kastamka Borama  ee ay bedeshay uu hanti qaran lunsaday  isla markaana  isuduwahana meelkale uun loo badalay.

Kadib markii ay wasiirada ka soo caalwaayeen waxa ay u yimaadeen  iyo madaxweynaha cusub ee aan wali xilka loo dhaarin Muuse Biixi Cabdi iyaga oo markale dacwaynaya Saylici,  hase yeeshee Muuse Biixi oo si buuxda u yaqaana xumaanta ay u hayaan Saylici  ragani maba dhagaysan waxana uu ku yidhi anigu waxba kama ogi arintan  walina xilkii la iguma wareejin ee wasiiradii kula noqda.


 

Lama soo koobi karo dhacdooyinka kalafaqooqa  ee uu ku kacay Saleebaan Axmed Guuleed tan iyo intii uu hayay jagada Gudoomiyenimada Jaamacad Camuud. Kuwa ugu waawayn ee uu cadaystay qabyaaladiisa waxa ka mid ahaa  markii ay isqabteen  gudoomiye kuxigeenkiisii hore ee ahaana aas aasayaashii Jaamacada Camuud Pro Axmed Xaasi Abiib, markaasi oo uu si badheedha ah ugu yidhi   “Madaxweynaha dalku  Daahir Rayaaale waa Beesha Makaahiil, Gudoomiyaha Gobolka Awdal Maxamuud Sheekh Cabdilaahi Cige waa beesha Makaahiil  Maayerka degmada Boorama waa beesha Makaahiil, Aniga oo ah gudoomiyaha jaamacad Camuudna waxan ahay beesha makaahii ee maxaad iga qaadi kartaa.” Hadalkaasi oo wakhtigaasi markii uu joornaalka kusoo qoray profosor Axmed Xaasi  waxa loo arkayay in uu been ka sheegayo isagauna wuu dafiray oo uu ka dhaartay. Kadibna pro Amed Xaaji waxa uu ka tegay Jaamacdii waxaan markiiba aas aasay jaamacada EELO university.

Runtii barigaa dadbadan uma ay garaabin Axmed Xaasi, haseyeeshee mudo kadib waxa  maalinbamaalinta ka danbaysa soo ifbaxayay qabyaaladiisa iyo nacaybka kujira Salaeebaan. Waxa xusid mudan in ururka beelaha makaahiil uu gudoomiye kayahay ururkaasi oo ay kamidyihiin Cabdiraxmaan Tolwaa, iyo ragkale oo siyaasada Somaliland kusaaqaiday kana shaqeeya uun arimaha beesha Makaahiil ee ay ka soo jeedaan.



Views : 155



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines