Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Maah maah soomaaliyeed baa tidhaahda:rag gar baa kala saarta dumarna jaan...by maxamed jeex.



Fri 01 December 2017.

Salaadiinta ugu tunka weyne gobolada Awdal,salal & galbeedka gabiley ee beelaha Maxamed-case oo hambalyo & bogaadin ugu tegey madaxweynaha cusub iyo madaxwayne kuxigeenka.

 

kulankii shaley dhaxmarey MDW cusub JSL mudane Muuse Biixi Cabdi , madaxawayne kuxigeenka  Eng C/raxmaan C/laahi ismaaciil saylici  iyo beelaha Maxamed- case oo ahaa runtii mid ku bilawday jawi aad u wanaagsan kuna dhamaaday jawi ay ku jirto farxad & is afgarashô iyo  is qadarin .

 

Beelaha maxamed -case oo ah kuwa ugu dhulka balaadhan galbeedlka somaliland ,uguna dadka badanle  ayaa waxay u sheegeen madaxweynaha cusub iyo kuxigeenka  inuu  ilaaliyaan dadkii codka siiyey ,iyaga oo dhawraaya dhamaan cadaalada dalka JSL...

 

beelaha maxamed-case waxay ku yidhaahdeen madaxweynaha cusub mudane muuse biixi cabdi beertii aad labaatan jirka aad ku beerato lixdan jirkaad ku nasataa ,markaa dalkan adoo dhalinyaro ah ayaad u soo halgantey maantana waadigaa noqday hogaankii ugu sareeyey qarankan somaliland ee hurdinka ah.

 

Hadaan nunahay beelaha maxamed-case ee  idinsiiyay in kabadan afartan kun oo cod 40 000 waxaa ay idinka  sugeynaa wada shaqeyn wanaagsan oo aad siiso dadkii codka intaa leeg xisbiga  siiyey mudane madaxweyne iyo madaxwayne ku xigeen. 

 

Beelaha maxamed-case waxay ku soo gaba gabeyeen maah maahda ah  hootoy caano malihida cidda ayaan lagaabadin.

 

Madaxweynaha cusub hadaladiisii waxaa kamid ahaa inuu ku faraxsan yahay kulankan uu la kulmey beèlaha maxamed-case uu kana garaabaayo wax badan oo halkan ay ka dhawaajiyeen salaadiintu uuna ogyahay sida wanaagsan ee beelaha maxamed- case ay isku garabtageen xisbiga kulmiye ,maal badan & cod badana ay gashadeen xisbiga ,waanan soo dhaweynayaa dhamaan hadaladiina wanaagsan ee halkan aad ka soo jeediseen.

 

Sidoo kale madaxwayne ku xigeenka jamhuuriyada somaliland Eng C/raxmaan C/laahi ismaaciil saylici ayaa dhankiisa soo dhaweeyay kulankan.

 

Guntii & gaba gabadii madaxweynaha cusubi wuxuu yidhi dhamaan umada reer somaliland waxay iga fishaaba waa cadaalad inaan u sameeyo dhamaan gobolada reer somaliland iyo bulshadeeda.

 

Allaa mahad leh

By maxamed jeex

Hargeisa SL.



Views : 78



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines