Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Warqad Furan oo Ku Socota Jaahiliinta Midnimo/Baaba' Qaran labaxay iyo Daahir Calasow



Sat 18 November 2017.


  Siyaasi lawada noqoy, Face-book-ii/Youtube-yadii ayaa waxa ka  soo baxay dad jaahiiliin ah oon  Taariikhada wixii la odhan jiray Somalia waxba kala socon , oo leh I arkaay I maqlaay oo ay ugu horeeyaan Baaba' Qaran iyo Calasow.    


          Horta midawgii Somaliland iyo Somalia 1960Kii muu ahayn mid qorshaysnaa oo labadii dal ee midoobay ku may  heshiin awood qaybsi deelitiran iyo aayaha laba dal haddii ay wax isbadalaan. Waxa se jirtay  in ay hogaanka  labada dal  isla socdeen kana midaysnaayeen dhaqdhaqaaqii madax baanaanida iyo sidii loo midayn lahaa shantii Somaliyed,  Somaliland, Somlia, Djibouti, NFD iyo Hawd and Reserve area/Somali Galbeed.


      Madaaxdii Somaliland ee qaranimadoodii gaysay Somalia niyadda iyo warwarba kagama jirin xil ama hogaan sare iyo awood qaybsi, waxa waday  jibo, xamaasad gobanimo iyo wadaninimo Somalyeed/Somali Nationalism, shakina kagama jirin in hogaanka iyo talada wadanka ay wax ku yeelanayaan . Iyada oo xaalka madaaxdii Somaliland sidaa ahaa ayaa waxa u caddaatay in ragii/madaaxdii Somlia ay arin khaa'inimo, tuugo iyo Maafios-nimo, dhaqan xun oo uu  baray Talyaaniu ay hoosta ka wateen, horena qorshaha  talada iyo hoggaanka  dalka ay u gaadheen. Waxa madaxwayne noqday AHUN Aaden Cadde/inan la yaal ay iska wateen  AHUN hogaankii  Majeerteen  ee ka talinayay Xamar, Sharmarke, Abdi-Razak, Abshir iyo Muuse Boqor, iskana ahaa maqaar saar. Kadib markii ay xilalkii uGu  muhiimsannaa ay wada  qaateen hogaankii Somalia ayaa AHUN Ibrahim X Cigaal ay ka dhigeen wasiirkii gaashaandhigga/Defense Ministe r, markaas ayaanu bilaabmay, halgankii, niyad jibkii, isqoomamayntii reer Somaliland waana  ta maanta keentay in ay Somaliland madax banaanto 27-sanadood   kadib markii ay ku hungawday la midawgii Somalia, uguna biireen, xasuuq, kufsi iyo baro kicin ay Somalia kala kulantay

 

        Somalia todaba iyo labaatan sanadood, burbukii taliskii Siyad Bare ee gacan ku dhiiglaha ahaa ka dib Somalia waxa ka socday dagaalo sokeeye   oo  ay hormood ka ahaayeen dagaal oge-yaal ama hogaamiye beeleedyo,inkasta oo markii ay Dawladdii Carta ka socon wayday, Kenya/Imbaghati lagu dhisay dawl ay    u dhamaayeen dagaal oge-yaashii oo hogaaminyay AHUN Cabdilahi Yusuf 2002, gortaas oo ay ku heshiiyeen ama samaysteen Dastuur ku salaysan hab Federal ah, kuna midoobeen dawlad beeleedyo ay hormood u noqotay Punt-land oo samaykeedu/xudeedu ku salyasantahay isir, degaanka beesha Hartiga ee Somalia/Majeerteen Woqoyiga Gaalkacayo  iyo Somaliland Dhulbahnate iyo Warsangali oo dega qaybo ka mida gobolada Sool iyo Sanaag.


     Dawlad Beeleedii Punt-land ka sakow waxa samaysmay dawlad beeleedyo kale sida Gal-mudug/Habar-gidir, Jubba-land oo Ogaadeenkii Ethiopia iyo Kenya la wareegay ayna imika u taliyaan qoyska Axmad Madoobe, Koonfur Galbeed/Digil iyo Mirifle iyo Hiir-shabeele/Abgal iyo Xawaadle, waa Dawlad Beeleedyo lagu maldahyo magaac kale ama shaadh kale loo xidhday sida Majeerteen/Punt-land. Hogaamiy eyaasha/Madaxwayneyaasha dawla d beeleeyada ayaa waxa ay noqdeen dagaal Oge-yaal, Hogaamiye beeleedyo sharciyaysan, Legalized War-lords.


          Habkan Federaalka ah ee  Dawlad Beeleedyada ayaa waxa jiidhsiiyay ama sanka ka galiyay Somalia 12/2011 iyo 02/2012 Garoowe1 iyo Garoowe 2   Faroole oo ahaa madaxwaynaha Puntland iyo Cabdi Wali  Gaas oo ahaa Ra'iisal wasaarihii madaxwaynihii wadaadka ahaa ee  Sheekh Shariif Ahmed oon waxba ka ogayn waxii uu saxeexayay una muuqatay oo qudha kursigii uu ku fadhiyay oo fajiciso iyo amakaag ku noqotay, arintaas oo u dhib yaraysay in Faroole iyo Gaas u hoos galiyaan ama marsiyaan danihii ay wateen, Federal ku salaysan Dawlad Beeleedyo.     

 

        Samayskii  Dawlad beeleedyada ee Somlia ka sodcay ayaa wax uu  noqday  cudur  beeleed faafa iyo dagaal beeleed taagan oo aan dhamaanayn maxaa yeelay beelaha Somalida ee oodwadaagta ihi ma ka lalaha xuduud oo waa  reerguura kolba u guura meeshii roob  iyo baad leh, markaa way adkaansaa in Habar-gidir iyo Majeerteen ku kala xayirmaan Dariiqa Cagaaran ee Gaalkacayo marka ay ABAARI timaad.


          Cudur beeleedkii faafay ee ka bilaabmay Somalia ayaa waxa uu aafeeyay Somliland, mar hore  rag sheeganaya  beesha Gadabuursi ayaa labaxay Awadal State, waxa kale oo samaysmay Khaatumo state/Dhulbahante, khaatumo state wax kale ma aha ee waa  beesha dhulbahante ee Somaliland. Qorshaha ragga sameeyay  Khaatumo state/Dhulbahnte iyo Awdal State/Gadbuursi ayaa ahaa in Dawladda Federaalka ah ee Somalia ay u aqoonsato Dawlad beeleedyo ka mida kuw Somalia ka jira. Samaysakii Awadal state iyo Khaatumo State waxa uu dhibaato u keenay Somaliland oo dad ayaa u dhintay waxa aan soconayn ama aanay dan uGu jirin dadka walaalah ah . Maalin walba dhibaatada Khaatumo State/dhulbahante waxa u dhinta dad isku layaa afkaarta  kala duwan ee at ka  haystaan Khaatumo State.   

 

       Hadaba midnimadan ay Somalia ka doonayso Somaliland ma mid ku salaysan labadii dal, Somaliland/Somalia ee hore u midoobaybaa, mise waa  samayn Dawlad Beeleedyo kale oo ka samayma Somaliland sida  Awdal State/Gadabuursi, Maakhir State/Warsangali Woqooyi Galbeed/Habar Awal, Khaatumo state/Dhulbhante, Salal/Ciise,  Togdheer/Habar-Jeclo Habar Yonis, oo ka mid noqda Dawlad Beeleedyada Somalia, maxaa yeelay  haddiiba ay Somaliland dib ula midawdo Somalia waa daruuri in Beel walba ay samaysato dawlad beeleed, markaa waa bilaw dagaal ka dhex  qarxa beelaha ood wadaagta ah ee Somaliland sida dagaalka  ka socda Gaalkacayo ee u dhexeeya Majeerteen iyo Habar-gidr. Mar haddii dib u midawga Somaliland iyo Somalia uu keenayo dagaal beeleed ka qarxa Somaliland,  ayuu midawgu dan u yahay? ma Somaliland mise Somalia? Somaliland se ma waydiin doontaa Somalia waxa ay ka wado midawga dabe in uu   yahay samayn dawlad beeleedyo ama   midaw laba qaran oo siman?

 

       Inkasta oo midaw dame aanu dhacayn, hadana  Somaliland iyo Somalia ma midoobi karayaan mana wada hadli karaan ilaa inta ay  Somalia leedahay Dastuur/ Federaal ku salaysan Dawlad Beeleeedyo, maxaa yeelay wixii ay Somaliland iyo Somalia u midoobeen ayaan olin, Somalia, waxa qudha ee Somaliland iyo Somalia  ay wada hadli karaan marka ay Somalia  tir tirto Dawlad Beeleedyada ay waliba qaarkood u sheeganayaan Somaliland Isir ahaan sida Punt-land/Majeerteenia.


        Hal-qabsigii Farmaajo markii uu madaxtinamada u tartamayay waxa ay ahayd  in qabyaaldaa laga gudbo oo si qarnimo ah loo dhaqmo. Markii la doortayna waxa uu balan qaaday in Khadka Cagaaran ee Gaalkacayo la baa bi'in doono dadkuna is dhexgalo. Taas oo u eekayd dakuna moodeen  in dawlad beeleeyada samaystay xuduudda ku salsayn isirka/qabyaaladda  ay meesha ka baxayaan, sida Puntland oo xudeeda ku salysan tahay  isir sida uu Dastuur ku sheegeedu dhigayo.


     July 12, 2017 waxa ay Ra'iisal Wasaaraha Somalia, Khayre iyo wasiiradiisu kulan la galeen wasiirada Dawlad Beeleedda Jubaland. Sida la wada og yahay waxa Jubaland gacanta u galiyay Axmad Madoobe  ciidamada  kenya  2012, ciidamada Kenya oo wali jooga Kismaayo.

 

        Ciidamda keyna waxa ka barbar dagaalamayay ciidamo uu watay Axmad Madoobe oo ay taba bartay Kenya, ciidamadan oo lagu dhisay hab beeleed/Ogaden una badan ONLF, waxa dhismahooda iyo abaabulkooda ka dambeeyay Gandhi iyo dawladda Keyna. Gaandhi, Axmada Madoobe iyo siyaasiin ay isku beel yihiin oo ka tirsan dawladda kenya ayaa sababta ay u dhiseen ciidamada beelaysan ahayd sidii ay beeshoodu gacanta uGu dhigi lahayd dekedda Kismaayo beelaha kalena uga saari la haayeen Kismaayo, si ay dhaqaale ahaan uGa faa'idaan, taas oo u hir gashay oo maamulka Kismaayo uu qoyska Axmad Madoobe ka taliyo, dhaqaalihii oo dhana u gacan  galay , oo ay wali dhuxusha si sharci darro ah uga dhoofiyaan Kismaayo, iyada oo ay mamnuucday dawladii Xasan Sheekh.


     Baarlamaan ku sheegga Somalia, Aqalka Sare/Hoose ayaa iyakana dadku ka filayeen in ay Dastuurka dib u eegaan gaar ahaan habka Federaalka ee ku salaysan beelaha iyo xuduud beeleedka/isirka. Inkasta oo aanay wali samayn wax dib u eegida, ayaa iyaduna haddii ay wax ka badali waayaan habkan Federaalka ee ku salysan beelaha, waxa uu arinkoodu noqonyaa shimbrayahow heesa iyaka oo markoodii horeba ku yimid tuugo iyo musuqmaasaq. 


      Dhiiri galinta/sharciyaynta  Xukuumadda Farmaajo iyo Aqalada Sare/Hoose ee  Dawlad Beelyeedyada, sida Jubaland/Ogaden, Puntland/Majeerten, Gal-mudug/Habar-gidir iyo Hirshabeele/Abgaal iyo Xawaadle  ayaa waxa ay  meesha ka saaraysaa balan qaadkii Farmaajo iyo Aqalada ee ka tagidda qabyaaladda iyo rajadii dadka ee Dawlad Qaran.                 

                  

            Baaba' Qaran iyo Calasaw ayaa waxa ay baryahan shaqo ka dhigteen doorshadii Somaliland ka dhacday 11/13/2017, iyaka oo marba waxa ka sheegay , waa lagu shubtay iyo reer hebel baa reer hebel dhcay.


            Waxa aan waydiiyay Calasaw oo taageersan Gal-mudug/Habar-gidir halkee ayay ka koobantahay xuduudda Gal-mudug, ma laba gobolbaa mise waa gobol iyo badh?  Majeerteeniya/Puntland  iyo Gal-mudg/Habar-gidir ma waxa xuduud u ah Gaalkacayo?


 Ma buuxisay sharciga noqoshada dawlad beeleed ee 2 gobal iyo ka badan?. 


          Baaba' Qaran waxa aan waydiiyay waxa mee Qalbi-dhagax?  Maxaa keenay in ninkii/Farmaajo u yeedho ciidamada Ethiopian oo dheeraad ah?    Sawdinkii lahaa Gen. Gabare iyo Ethiopia Farmaajo ayaa raganimo/Somalinimo tusay oo way ku daayeen.?


            Muxuu la midaw dambe  Somaliland ee Somalia uu  soo kordhinayaa Somaliland, mar hadii qaranimaddii Somalia meesha ka baxaday, Dawlad beeleedyadiina sharciyoobeen?     Imisa dawlad beeleed ayaa ka samaysmi Somaliland?           

 


      

                          Mohamud Aden Samatar

                           samatarapt@gmail.com

                             

 

 

 

 

 

 

 






Views : 229



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines