Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Ciidamada Maraykanka Oo Gacanta ku Dhigay Wiil Somali ah Oo Labo Qof ku Dhaawacay Minneapolis.



Tue 14 November 2017.

Ciidamada booliiska dalka Mareykanka ayaa xiray Muwaadin Soomaali ah oo ku eedeesan in toorey ku dhaawacay labo qof, kadib markii lagu qabay isku day uu ku doonayay in xatooyo ku sameeyo.

Mahad C/Casiis C/raxmaan oo 20-jir ayaa loo heestaa in labo ruux toorey ku dhaawacay xili uu ku sugnaa Dhismaha Ganacsiga ee Mall of America oo ku yaalla magaaladda Minneapolis.

Warbaahinta dalka Mareykanka ayaa baahisay in ninkan Soomaaliga ah lagu qabtay alaab uu kasoo xaday mid kamid ah qololka labiska carwo Mallka ku taala, waxaana ninkan qabtay labo oo middkood uu lahaa alaabta uu soo qaatay.

Taliyaha Boliska Bloomington, Feff Bootis ayaa Warbaahinta u sheegay in Mahad dhibaato gaarsiiyay labo ruux kadib markii lagu qabtay in qol labis carwo alaab looga soo tagay damacsanaa in uu qaato.

Muwaadinka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale falkaasi waxaa kasoo gaaray dhaawacyo fudud kadib markii ay garaaceen labada nin uu dhaawaca u geestay, waxa uuna hada ku xiran yahay saldhig booliis .

Mahad C/Casiis ookamid ah Soomaalida kunool Mareykanka ayaa lagu wadaa in lasoo taago Maxkamad waxa uuna wajahayaa eedeymo la xariira xatooyo iyo sidoo kale in uu dhibaato jireed dad gaarsiiyay.

 



Views : 35



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines