Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Uganda Iyo Suudan Oo Isku Raacay Taageerida Dhismaha Hay’addaha Ammaanka Somalia.



Tue 14 November 2017.

Madaxweynaha dalka Suudaan, Jeneral Cumar Xasan Al-bashiir ayaa dhamaystay Booqasho Rasmi ah oo uu ku tegay dalka Uganda, isagoo Casuumaad ka helay Madaxweyne Yoweeri Museveni.

Warbaahinta dalkaasi ayaa sheegtay inay Labada Madaxweyne Kulan ku yeesheen Aqalka Madaxtooyadda Uganda,oo ku taalla Entebe, waxayna isla eegeen Xaalladda Somalia, Hawlgalka AMISOM, Xiriirka Labada Dal, Horumarinta Iskaashiga, Dhaqaalaha, Waxbarashadda iyo sidii loo dhisi lahaa Shirkad Diyaaradeed oo isaga kala gooshta Caasimadaha labada Waddan.

Labada Madaxweyne waxay Kulankooda kadib soo saareen War-murtiyeed ka koobnaa 15 qoddob, iyadoo ay ku jireen Qoddobo khuseeyey Arrimaha dalka Somalia iyo Hawlgalka AMISOM.

Qoddobka 12-aad ee War-murtiyeedka waxay Labada Madaxweyne ugu baaqeen Beesha Caalamka inay taageero ka geystaan Dhismaha Hay’addaha Dowladda Federalka, gaar ahaan dhinaca Ammaanka, si ay Ciiddanka DFS awood ugu helaan La-dagaalanka Alshabaab iyo Soo-celinta Nabadda iyo Ammaanka Somalia.

Sidoo kale, Qoddobka 13-aadka ee War-murtiyeedka ay soo saareen Madaxweynayaasha Sudan iyo Uganda waxay Beesha Caalamka ka codsadeen inay Hawlgalka AMISOM ka taageeraan dhinacyada Kheyraadka iyo Awoodaha, si ay Ciiddanka DFS ugu wareejiyaan Sugidda Ammaanka ee Somalia.



Views : 26



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines