Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Maraykanka Oo soo Saaray Kaniin Caloosha Fariimo kasoo Dhex Gudbinaya.



Tue 14 November 2017.

Wakaaladda dawada Maraykanka ee FDA ayaa ansixisay kaniin cusub oo lagu dhex guntay aalad casri ah oo caloosha kasoo dhex gudbineysa macluumaadka la xiriira in qofka loo qoray kaniinka uu qaatay iyo in kale.

Kaniinkan ayaa waxaa soo saarta shirkadda Abilify MyCite waxaana loogu talogalay dadka miyir daboolba, waxaana qasab ah in qofka loo qorayo uu ogolyahan marka hore.

Balse waxaa la sheegay in mararka qaar fariinta aaladda yar ee kaniinka ku dhex jirta ay la daahi karto, soona gudbin karto saacado kadib.

Aaladan ayaa fariinta u gudbinaysa taleefoon casri ah oo uu haysto qofka bukaanka ah, kadibna waxa ay fariinta usii gudbaysaa dhaqtarkii dawada qoray, kaas oo ogaanaya in bukaanka uu dawada qaatay iyo in kale.

"In la ogaado in qofka qaba xanuunada maskaxda uu dawadiisa si fiican u qaato waa arrin fiican, FDA-na waxa ay taageeraysaa isticmaalka iyo soo saarka tiknoolajiyadda cusub, waxaana naga go'an in aan la shaqayno shirkadaha wax soo saarka dawada" ayuu yiri Mitchel Mathis oo ka tirsan maamulka wakaaladda FDA.



Views : 18



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines