Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Roobabka Deyrta Oo Hakad Geliyay Isu Socod Gaadiidka Jowhar iyo Balcad.(Sawiro)



Tue 14 November 2017.

Roobabka Deyrta oo ka da’ayay maalmihii la soo dhaafay gobolo ka mid ah dalka Soomaaliya ayaa sababay in daadad ay ku soo rogmadaan wadada isku xirta magaalada Jowhar iyo Balcad ee gobolka Sh/dhexe.

Daadadkan ku soo rogmaday wadada ayaa sababay in gaadiidka ay mari waayaan wadada gaar ahaan inta u dhexeysa deegaanka Garsaale iyo Boorow oo biyo badan ay dhex fariisteen wadada laamiga ah.

Gaadiidka yaryar ayaa joogsaday inay maraan wadada iyadoo gaadiidka loo yaqaan caasiga ee rakaabka qaada ay dhibaato ku noqotay inay maraan wadada.

Dadka rakaabka ah ayaa soo dhex mara wadada ay biyuhu ku soo rogmadeen qiyaastii 2km iyadoo gaadiidka basaska ahna laga jiido meelaha ugu daran ee biyuhu ay fariisteen,

Gaadiidka yaryar ayaa gebi ahaanba ka joogsaday inay soo galaan amaba ka baxaan magaalada Jowhar ee caasimada dowlad goboleedka Hirshabelle,mana jirto illaa iyo hadda cid wax u qabatay gaadiidka ku dhibaateysan wadada.

Hase yeeshee dhowaan ayuu Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare sheegay in dayactir lagu sameyn doono wadada isku xirta magaalada Jowhar iyo magaalada Muqdisho.



Views : 17



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines